#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa war kasoo saartay murran iyo dooddo ka dhashay Sonkor si weyn loogu faaqiday Baraha Bulshada, taas uu dalka soo gelisay shirkadda Omaar oo ka mid ah shirkaddaha soo dejiya cuntooyinka iyo badeecado kale.
Hay’adda Dhawrista Tayada ee Somaliland oo ka hadashay dooddaha ka dhashay ee murranka abuuray, maadaama xilliga ay Sonkortu kasoo baxday dalka Barazil ee ku yaal Laatiin Amerika iyo xilliga ay suuqa soo gelisay sida ku qoran aannay ahayn mid macquul ah.
Sidaa awgeed Hay’adda Dhawrista Tayada ee Somaliland oo ka hadashay arrinta, isla markaana soo dhexgashay, ayaa sheegtay in “Hay’addu ay u caddaynayso bulshada Somaliland in ay gacanta ku hayso baadhitaanna arrinka la xadhiidha Sonkorta dareenka dhalisay” ayaa lagu war kooban oo kasoo baxay hay’adda.
Sonkorta ayaa sawirrada la iskula wadaagay Baraha bulshada ayaa laga akhriyay sida muuqta qoraalka Kiishka in ay soo baxday bishan Oct, 2023, iyada oo ay dadku su’aal galiyeen sida ay kusoo gaadhay geeska Afrika iyada oo bishan gudaheeda lagu sameeyay Barazil, taas oo abuurtay shakiga, maadaama la qiyaasi karo in Gaadiidka Badda ee Maraakiibta qaada Badeecaddaha ee ka yimaada Barazil ugu yaraan ay kusoo gaadhi karaan Dekeddaha Geeska Afrika ee Somaliland ka mid tahay bil iyo badh, haddii aannay jirin xaalladdo kale, ama aannay ku leexan meelo kale.
“Sidaa awgeed waxa aannu ku wargelinaynaa in ay Hay’adda laga war sugo ilaa iyo inta ay waajibaadkeeda gudanayso” ayay qoraalka kooban ku tidhi, Hay’adda Dhawrista Tayada oo ah mid aannay Bulshadu kalsooni baddan ku qabin, maadaama aannay ka arag waxyaabo muujinaya innay gudanayso waajibaadkii loo aasaasay.taas oo keentay in ay weli qaar ka mid ah Bulshadu is weydiinayaan in lasii isticmaali karo Sonkorta tan iyo inta uu baadhitaanku kasoo dhamaanayo iyo in kale, iyadoo aan taas lagu xusin aannay ka jawaabin hay’adda dhawrista Tayadu.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com