X

#Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Hadashay Dagaalka Laascaanood Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Dagaalka Suudaan, Image Araweelo News Network, 17 April 2023. Khartoum Sudan.

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Dagaal kulul oo subaxnimadii ka bilaabmay duleedka Magaalada Laascaanood, ayaa sababay khasaare dhimmasho iyo dhaawac ah.

 

Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamadda Qaranka Somaliland ee ku sugan Gooja-cadde iyo Maleeshiyaadka deegaanka oo garab ka helaya kuwa maamulka Puntland ee Soomaaliya iyo kooxo ay xukuumadda Somaliland ku tilmaanto innay ka tirsan yihiin kuwa loogu yeesho Argagixisada oo ku sugan deegaanka.

 

Sida ay sheegeen wararka aannu ka helay dagaalka ayaa bilaabmay waaberigii saaka, waxaana uu soo gaadhay gelinkii danbe Salaasadii ilaa xili ku beegan gabaladhacii  fiidadawgii.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamadda Somaliland oo difaac ku jiray ay ku waaberiisteen weerrarka kaga yimi Maleeshiyada, isla markaana uu dagaalku sababay khasaare dhimmasho iyo dhaawac ah.

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dagaalka wallow aannay faahfaahin ka bixin khasaaraha, balse warar shebakaddaha Araweelo News Network heshay ayaa sheegay in gaadiid ugu yaraan hal gaadhi laga gubay Maleeshiyada weerarka soo qaaday, isla markaana ay jiraan gaadiid iyo maxaabiis laga qabatay inkasta oo dhinaca xukuumadda Somaliland aan lasoo bandhigin.

 

Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland oo war kooban kasoo saartay dagaalka, ayaa sheegtay in Ciidamadda Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo garab ka helaya kooxaha huwanta iyo argagixisada ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisimada ciidamadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

 

Warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland oo lagu baahiyay Boggaga Baraha Bulshada ee Wasaaradda xilli danbe oo cawayskii habbeenimo ah, ayaa lagu yidhi, “ Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo mar kasta diyaar u ah difaac iyo ilaalinta Qarannimada ayaa ku dhuftay cadawga soo wareeray dhirbaaxo aanay mahadin, waxaa ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaliya iyo kooxaha argagixisada ah laga gubay Baabuur baddan oo Tigniko ah, guud ahaana waa la jebiyey”ayaa lagu yidhi, warka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland.

 

“Mar kasta ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland cidna duulaan kuma aha, balse ciddii soo weerarta waxa ay ka qaadaan tallaabo adag oo lama ilaawaan ah” ayaa lasii raaciyay warka qoraalka ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post