X

#Somaliland: Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Maleeshiyada Hubaysan Ee Duleedka Hargeysa

#Araweelo_News_Ntwork.

Hargeysa(ANN)-Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi ayaa ka hadlay xaalladda dalka ee siyaasadeed iyo koox dabley maleeshiyo ah oo la sheegay inay isku urursadeen duleedka Koonfur galbeed ee Magaalada Hargeysa.

Xoghaye Khadar,oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, wuxuu sheegay in khilaaf siyaasadeed oo soo jiitamayay ilaa 2021, kuwaas oo uu sheegay innay weli taagan yihiin oo aan weli xal loo helin, sidaa awgeed wuxuu sheegay in su’aasha lays weydiinayaa tahay, “Lix sannadood oo Muuse ina xukumayay maxaa dhacay!, waxa Muuse lagu wareejiyay Lix gobol oo Somaliland ah oo nabad ah, waxa Muuse lagu wareejiyay dad wallaalo ah oo Somaliland ah, waxa Muuse lagu wareejiyay dal aannay ka jirin xaaladdo ama duruufo abuuri kara jabhado” ayuu yidhi.

Xoghayaha Xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi, wuxuu sheegay in marka dawladdu sharciga dhawriweydo, isla markaana dadka layska xidho, ama layska dilo ee la diido wax wada lahaashaha iyo in doorashooyin la qabto, “Marka la dhegeysanwaayo haldoorka, marka la diido wadahadal, marka hal qof uu doono inuu sidii doono dalka u xukumo, waxa xaqiiq ah in la raacayo jidkii burburka lix sannadood oo aan la noolayn tallaxumo, maxay inoo dhashay waa innaynu is weydiino.” Ayuu yidhi, isagoo ka hadlaya wararka sheegaya in dabley hubaysan isku urursatay duleedka Hargeysa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post