X

 Somaliland: Taliska Booliska Oo Ka Hadlay Maqnaanshaha Taliye Dabagale Iyo Warka Is-casilaada

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Saqadhi Dubad (Daba-gale) 14 September 2020, Araweelo News Network.

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)- Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in aannay waxba ka jirin wararka sheegaya inuu Taliyihii Booliska Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Sanqadhi uu xilka iska casilay.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay maanta Barta Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ku leeyahay Baraha Bulshada gaar ahaan Facebook, ayaa lagu sheegay in aan waxba ka jirin warka is-casilaada, balse waxa qoraalka ku qiray inuu safar ugu maqanyahay dalka dibbadiisa, isla markaana uu soo laabanayo maalinta Beri ee Khamiista oo ku beegan 3 August 2023.

Taliska Guud ee Booliska ayaa war kooban oo uu kasoo saaray wararka sheegaya is-casilaada ku yidhi, “Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa beeninayaa warar beena oo lagu faafiyay baraha bulshada, kaas oo sheegaya inuu is-casilay Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi , Taliska Ciidanka Boolisku waxa caddaynayaa inaanay wararkaasi waxba ka jirin oo been abuura oo ay faafinayaana cadawga JSL” ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Sidoo kale, waxa qoraalka lagu xusay in Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland dalka dibaddiisa ugu maqan yahay arrimo shakhsiya,

Laxidhiidha:  Maxaa Ka Jira Is-casilaada Taliyaha Booliska?

“Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dalka dibaddiisa ugu maqan yahay arrimo shakhsiya , waxaanu imanayaa maalinka berri ah subaxnimada haddii eebbo idmo.” Ayaa lagu yidhi, Warka Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post