X

#Somaliland Oo Xukun Dheer Ku Riday Nin Lagu Eeddeeyay Al-shaabab

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Maxkamadda Ciidamadda ee Somaliland, ayaa maanta xukun ku riday Nin lagu eeddeeyay inuu xidhiidh la lahaa Al-shabaab, isla markaana ahaa wakiil u jooga Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ku taariikhaysan 11 Jun 2023, ayaa lagu sheegay in Faysal Cali Ibraahin lagu xukamay xabsi Millateri oo sagaal sannadood ah.

Xukunka ayaa ka dhashay, markii sida lagu sheegay qoraalka Maxkamadda derejada koowaad ee Ciidamadda waaxda gobollada galbeedka ku heshay Faysal Cali Ibraahin oo 42 jir ah, isla markaana magaca hooyadii lagu sheegay Aamin Aadan inuu yahay denbiile Al-shabaab ah.

Waxa kale, oo qoraalka lagu sheegay in ninkaa oo ka tirsanaa Al-shabaab, isla markaana u qaabilsanaa Ururka inuu dagaalyahano aaminsan fekerkooda ka diyaariyo guddaha Somaliland.

Hase yeeshee, sida lagu sheegay qoraalka soo xigganaya go’aanka maxkamadda ee kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga, waxa lagu riday xukun sagaal sannadood ah, iyadoo fadhiga dhegaysiga maxkammadu ka dhacay xarunta dacwaddaha Maxkamadda Ciidamadda ee Hargeysa.

Qoraalka laguma xusin in Ninka la xukumay uu ahaa muwaadin u dhashay Somaliland iyo inuu kasoo jeedo Soomaaliya, ama meelo kale oo geyiga Soomaalida ah u dhashay, sidoo kale, qoraalka laguma xusin faahfaahin ku saabsan xilliga la qabtay ninkaa iyo halka uu ku sugnaa, ama tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan inay jiraan shaqooyin kale oo uu hayay, marka laga yimaado shaqada uu Ururka Al-shabaab u hayay ee xukunka ciqaabta ah sababay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post