“Dawladda Muqdisho Waa Itaalkeeda Waraaqaha Ay Soo Saaray, haday Diyaaraddo haysana Way Inoo Adeegsan lahayd” Wasiir Cali Mareexaan

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag uga falcelisay qoraal kasoo baxay maanta dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo xanbaarsanaa awaamiir lagu haddidayo shirkaddaha iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee ka hawlgala geyiga Soomaalida.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta, isla markaana ah afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa ka hadlay awaamiirta lagu hadidayo shirkaddaha ganacsiga, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid muujinay cadaawada maamulka Muqdisho ee Xasan Sheekh u hayo Somaliland.

“Dawladda Muqdisho waxay ku dagaalamay Waraaqo, waana itaalkeeda, waxayna na xusuusinay diyaaraddihii dawladdii Soomaaliya ku duqaynaysay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, xilligii sideetanaadkii iyo ganacsatada iyo haldoorka Bulshada ee la xasuuqayay” ayuu yidhi.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, wuxuu sheegay in aannay waxba ka beddelayn qadiyada madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland waraaqo ay soo qorto dawladda lagu ilaaliyo Xamar oo ah maamul aan awood lahayn oo loo sameeyay in lagula dagaaalo Al-shabaab oo keliya, waxaase hubaal ah in haddii ay maamulkaasi haystaan diyaaraddo iyo awood Millateri aannay shacbiga Somaliland waxba uga tudheen sida horeba u dhacday, tana waa taariikhdii oo isa soo celisay, ayuu yidhi, Wasiir Cali Xasan.

Dhinaca kale, wuxuu uga digay shirkaddaha iyo ganacsiyada in aannay dheg jalaq u siin oo aannay u hoggaansamin warqada kasoo baxday Muqdisho, taas oo uu ku tilmaamay mid aan sinaba u shaqaynayn, isagoo dhinaca kale xusay innay tallaabo sharci ka qaadayaan cidda u hoggaansanta qoraalka kasoo baxay Villa Somalia.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com