Xisbiga Madaxweynaha La Doortay ee Xilka La Wareegaya Oo Ka Hadlay Qaabka Munaasibadda Iyo Wefdiga Laga Filayay Djibouti Oo Lays Weydiinayo
#Araweelo_News_Network.
Hargeysa (ANN)- Wufuud ka socota dalalka gobolka oo isugu jira dublamaasiyiin iyo masuuliyiin kale oo kala duwan ayaa soo gaadhay Magaalada Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kuwaas oo ka qaybgelaya munaasibadda maalinta beri Khamiista 12 Desember 2024, ka qaybgelaya xaflada labada Madaxweyne ee Somaliland, Madaxweynaha xilka kasii degaya Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynjaha la doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) xilka kula kala wareegayan.
Wefdiga dawladda Federaalka iyo dawlad deegaanka Ethiopia lka socda ayaa gelinkii danbe ee Khamiista soo gaadhay Hargeysa, kuwaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay, sidoo kale, dublamasiyiin ka socda daalka reer galbeedka oo ay hormood u yiihin kuwo ka socda Biritain oo ay wehelyaan xildhibaano ayaa soo gaadhay Hargeysa, kuwaas oo dalka u yimi innay ka qaybgalan xafladda maalinta Beri.
Xukuumadda xilka kasii degaysa ayaa sheegtay in ilaa 900 oo qof oo loo qoondeeyay martiqaadka xaflada, kuwaas ioo tro lagu sheegay inay gaadhay biqol ka imanayaan dalalka gobolka iyo weliba saaxiibada Somaliland ee wadamada reer galbeedka iyo xildhibaano iyo masuuliyiin iyo dublamaasiyiin ka socda dalalka Khaliijka, gaar ahaan dalka Imaaraadka iyo weliba shirkadda Caalamiga ah ee DP World ee maalgelisay Dekedda Caalamiga ah ee Berbera.
Dhinaca dawlad deeggaanka Soomaalidda Ethiopia waxa wedoga oo soo maray dhinaca Wajaale ee xadka ay labada dal wadaagaan hoggaaminayay Mustafe Cagjar oo ah Madaxweynaha deegaanka Ethiopia ee Kililka Shanaad.
Hase yeeshee, ma muuqato in martisharafta ay qayb ka yihiin wefdi ka socda Dalka Djibouti, iyadoo Xisbiga Xisbiga WADDANI ee Madaxweynaha xilka la wareegaya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo qoraal saxaafadeed kooban kasoo saaray munaasibadda iyo wufuuda ka qaygalay aanay xusin innay wefdiga la casuumay ay qayb ka yihiin masuuliyiin ka imanaya dhinaca xukuumadda dalka Djibouti.
“Munaasaibadda berito ka dhacaysa Madaxtooyada JSL waa munaasabad xil wareejineed isla markaanan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenku ay qaadanayaan dhaartii distooriga ahayd. Waxa xusid mudan in Madaxweynaha talada warrejinaya Mud. Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa loo marti yahay maamulkeedana ay yagu leeyihiin.”ayaa lagu yidhi, qoraalka uu soo saaray Xoghayaha Warfaafinta xisbiga WADDANI Maxamuud Aadan Jaamc “Galaal”
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com