X

#Somaliland: Madaxweynihii Hore Daahir #Rayaale Kaahiin Oo Ka Hadlay Xaalladda #Dalka

Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi iyo Madaxweynihi saddexaad ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin. Photo File Araweelo News Network.

#Araweelo_News_Network.

 

London(ANN)-Madaxweynihii hore Somaliland, Daahiir Rayaale Kaahin oo si ballaadhan loogu soo dhoweeyay dalka Britain, ayaa ka hadlay xaalladda dalka ee xilligan iyo collaaddaha ka alloosan guddaha dalka.

Ambassador Cabdi Cabdullaahi (Dayax-weerar) oo ah Safiirka Somaliland ayaa qabanqaabiyay kulan ballaadhan oo lagu soo dhoweeyay Madaxweynihii hore ee Somaliland oo booqasho ku jooga London.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin hore uga soo qabtay xilal xukuumaddii Daahir Rayaale, Axmed Siilaanyo iyo haldoor kale oo Somaliland ah, ayaa ahaa mid ujeeddadiisu ahayd in loo muujiyo Madaxweynihii hore ixtiraam iyo qadarin.

Ambassador Cabdi Cabdullaahi, ayaa sheegay in kulanka ay ku maamuuseen Madaxweynihii hore Daahir Rayaale oo dalkiisa iyo dadkiisa usoo dhaqeeyay, isla markaana hirgeliyay dimuqraadiyadda Somaliland.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale oo hadal ka jeediyay kulanka, ayaa ka hadlay xaalladda dalka ee xilligan iyo collaaddaha ka alloosan deegaamo ka mid ah Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo geedi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland, isagoo xusay marxaladihii ay Somaliland soo martay iyo xilligii uu ahaa Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo ahayd siddeed sannadood iyo shan sannadood oo uu ahaa Madaxweyne ku xigeenkii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Muuqaalkan Ka Daawo.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post