X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Qaabkee Uga Hadlay Xaaladda Laascaanood Iyo Joojinta Collaada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo shacbiga Magaalada Hargeysa kala qaybgalay munaasibadda Salaadda Ciidal Fidri,21 April 2023, Shuwaal 1 1444, Image Araweelo News Network, Hargeysa.

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo shacbiga Magaalada Hargeysa kala qaybgalay munaasibadda Salaadda Ciidal Fidri, ayaa ka hadlay arrinta Magaaladda Laascaanood iyo collaada dhawrkii bilood ee u danbeeyay ka aloosnayd.

] Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo masuulyiin kale oo shacbiga Magaalada Hargeysa kala qaybgalay munaasibadda Salaadda Ciidal Fidri,21 April 2023, Shuwaal 1 1444, Image Araweelo News Network, Hargeysa.[/caption]

“Culimadu waxa ay inoo sheegtay inay dadka Islaamku qalbiga ka heshiiyaan, Islaamkuna yahay guri la dhisayo oo dhagaxba dhagax saaran yahay oo haddii mid dumo inta kale dumayso, markaa waxa inagu waajib ah Muslim ahaan inaynu is wada kaashanno.”ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay amniga iyo isku duubnidu ahmiyada ay leeyihiin.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlaya arrinta Laascaanood, wuxuu si cad ugu celiyay in dhankooda xukuumad ahaan ay ku baaqayaan nabad, isagoo sheegay in mar walba Allah ka baryayaan in collaadu dhammaato oo laga gaadho heshiis nabadeed.   ,“Haddii aynnu reer Somaliland nahay collaada Laascaanood bilowgeedii illaa maanta nabad baynu u haynaa, maantana waxaynu Ilaahay ka baryaynaa inuu colaaddaa inaga demiyo, dadka kale ee colaaddaas wadana waxan leeyahay collaad walba nabad baa ka dambaysa, caqliga saliimka ahina waxa uu ku jiraa in colaadda la qabto intaanu khasaaraheedu weynaan.”ayuu yidhi, isagoo hadalkiisu u muuqdo mid farriin ah oo ku socda Garaadada gobolka Sool.

Hase yeeshe Madaxweyne Biixi, ayaa carabka kua dkeeyay in aannay marnaba suurogal ahayn in xuduud cusub oo qabyaaladeed la sameeyo, isla markaana la baabiiyo xuduudda caalamiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee la wada yaqaanno,   Dhankiisa, wuxuu Madaxweyne Biixi ku celiyay in isaga Madaxweyne ahaan marwalba ay ka go’an tahay in colaadda Laascaanood lagu dhammeeyo nabadgelyo, isagoo yidhi, “waa markii Toddobaad amma Siddeedaad ee aan ku baaqo nabad, dadkaa collaadaas shidayana waxan leeyahay faraha kala baxa Somaliland nabadeedda way samaysan kartaaye,’ ayuu yidhi, laakiin wuxuu xusay in aannay marnaba suurtogal ahayn in shantii Soomaaliyeed ee isticmaarku qaybiyay ee Afrika la midka ahaa xadkii Somaliland la beddelayo. “Mid ayaan suurtagal ahayn in Nin Kiiniya jooga, mid Itoobiya Jooga, mid Soomaaliya jooga iyo mid Somaliland joogaa beddelayaan xadkii Isticmaarku jeexay oo soo saaraan xad qabali ah oo cusub,  ma suurtogelayso,”ayuu yidhi.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post