X

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo XilKa Qaadis, Magcaabis Iyo Beddel Ku Sameeyay Wasiirro Xukuumaddiisa Ah

President of the Republic of Somaliland Muse Bihi Abd, Image File Araweelo News Network.i

#Araweelo_News_Network.

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo XilKa Qaadis, Magcaabis Iyo Bedel Ku Sameeyay Wasiirro Xukuumaddiisa Ah

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilalki ay hayeen ka qaaday masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa, sidoo kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu magcaabay masuuliyiin cusub iyo beddel uu ku sameeyay qaarkood xubnaha gollaha Wasiirrada.

Sidaana waxa lagu sheegay Wareegtooyin isku lifaaqan oo kasoo baxay maanta qasriga Madaxtooyadda, kuwaas oo ku taariikhaysan 10 /12/2023.

 

Nuqulo ka mid ah wareegtooyinka oo soo gaadhay Shabakaddaha Araweelo _News _Network, ayaa lagu muujiyay magacyada xubnaha laga qaaday xilalkii ay qaranka u hayeen, kuwa la magcaabay ee kusoo biiray xukuumadda iyo kuwa lagu sameeyay beddelka.

Wareegtooyinka Madaxweynaha ee kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Jamhuuroyadda Somaliland, ayaa u dhignaa Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

  1. Ku: Cabdiraxmaan Xirsi Jaamac Dhooble

Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

  1. Ku: Cabdi-naasir Cumar Jaamac

Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u haysay ee Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegtooyin madaxweyne ku magacaabay masuuliyiintan.

Waxaanay u dhignayd sidan:-

 

Ujeeddo: Magacaabid. Wareegto Madaxweyne

 

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

  1. In Cabdirisaaq Muuse Faarax Cawad laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga.
  3. In Saleebaan Jaamac Diiriye Guuleed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post