#Araweelo_News_Network.
#Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo XilKa Qaadis, Magcaabis Iyo Bedel Ku Sameeyay Wasiirro Xukuumaddiisa Ah
Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilalki ay hayeen ka qaaday masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa, sidoo kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu magcaabay masuuliyiin cusub iyo beddel uu ku sameeyay qaarkood xubnaha gollaha Wasiirrada.
Sidaana waxa lagu sheegay Wareegtooyin isku lifaaqan oo kasoo baxay maanta qasriga Madaxtooyadda, kuwaas oo ku taariikhaysan 10 /12/2023.
Nuqulo ka mid ah wareegtooyinka oo soo gaadhay Shabakaddaha Araweelo _News _Network, ayaa lagu muujiyay magacyada xubnaha laga qaaday xilalkii ay qaranka u hayeen, kuwa la magcaabay ee kusoo biiray xukuumadda iyo kuwa lagu sameeyay beddelka.
Wareegtooyinka Madaxweynaha ee kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Jamhuuroyadda Somaliland, ayaa u dhignaa Sidan:-
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
- Ku: Cabdiraxmaan Xirsi Jaamac Dhooble
Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
- Ku: Cabdi-naasir Cumar Jaamac
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u haysay ee Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegtooyin madaxweyne ku magacaabay masuuliyiintan.
Waxaanay u dhignayd sidan:-
Ujeeddo: Magacaabid. Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
- In Cabdirisaaq Muuse Faarax Cawad laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland.
- In Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga.
- In Saleebaan Jaamac Diiriye Guuleed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.