X

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Xil Ka Qaadis Iyo Magcaabis Soo Saaray

President of the Republic of Somaliland Muse Bihi Abd, Image File Araweelo News Network.i

 

 

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 10/03/2024 uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo isku bedel ku sameeyey qaar ka mida xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

 

 Saleebaan Cawad Cali Bukhaari;

       Wasiirkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore u haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

 

 

Ujeeddo: Magacaabid. 

 

Markaan Arkay:    Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

 

Markaan Sameeyey:         La-tashi;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

  1. In Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. In Maxamuud Warsame Jaamac Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. In Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. In Faysal Maxamuud Siciid Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. In Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post