Araweelo News Network.
Wareegto Madaxweyne
Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray xilkaqaadis iyo isku bedel xubnaha gollaha wasiiradda iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ah.
Sidaana waxa lagu sheegay wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
Ku: Maxamed Muuse Diiriye,
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha,
Ku: Jaamac Maxamuud Cigaal, Wasiirkii Hore ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta
Ku: Yuusuf Mire Maxamed (Boos), Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
Ku: Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Ku: Axmed Muumin Seed Habane, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha
Ku: Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Ku: Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
Ku: Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle, Wakiilkii Hore ee Somaliland ee Dalka Itoobiya
Ku: Farxaan Aadan Haybe, Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
Ku: Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.
UJEEDDO: MAGACAABID
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
Published by Araweelo News Network.
Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
instagram@araweelonews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com