X

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Xeerarka Doorashooyinka Ee Golaha Wakiilladu Ku Muquuniyay Codka Xooggan Ku Celiyay Guurtida

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, 27 Nov 2019, Qasriga Madaxtooyadda. Araweelo News Network.

Hab-raaca Qaar Ka Mid Ah Qodobada Dastuurka ee Khuseeya Xeerarka Labada Golle iyo Xukuumadda

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Xeerarka Doorashooyinka ee Xeer Lr. 91/ 2023 iyo Xeer Lr. 14/2023, ayaa mar kale abuuray doodo sharci oo kicin kara xasarad iyo xiisaddo siyaasadeed, kaddib markii Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ku celiyay Gollaha Guurtida.

Xeerarka oo maalmihii lasoo dhaafay gollaha wakiillada Somaliland ku meel mariyeen codka xoogga ah ee 2/3 saddex meelood laba meelood, isla markaana diideen wax-ka-bedelka iyo kaabista gollaha Guurtida ayaa toos loogu gudbiyay Madaxweyne Biixi.

Hase yeeshee maalintii doraad waxa soo baxay warar sheegaya in guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan qoraal u gudbiyay Madaxweynaha,  isagoo ku doodaya in Madaxweynuhu soo celiyo xeerarka oo aan la marrin qabya-tirka waafajinta dastuurka.

Madaxweyne Biixi oo ka jawaabaya arrintaa, ayaa qoraal uu ku socodsiiyay Guddoomiyaha Guurtida, isla markaana oggaysiin siiyay Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, wuxuu ku sheegay qoraalka ku taariikhaysan 22 jan 2024, oo ujeeddadiisu tahay Jawaab celin codsi soo celin Xeerar, taas oo lagu muujiyay (Xeer Lr. 91/23 iyo Xeer Lr. 14/2023.

Madaxweyne Biixi, wuxuu ku sheegay qoraalka uu ku socodsiiyay Guddoomiyaha Guurtida ee sida ka muuqata ujeeddada jawaabta u ah dalabka Guddoomiyaha Guurtida, isla markaana tixraacaya qoraal sumadiisu tahay Re. GG/JSL/05/01/2024, isla markaana ku taariikhaysan 21 jan 2024, iyadoo ujeeddadu tahay soo celinta xeerar aan dhammaysan jaranjarooyinkii sharci dejinta, kuwaas oo sida uu ku xusay qoraalka ay ahayd in loo gudbiyo gollaha guurtida, si waafaqsan qodobka Dastuurka ee 78 faqraddiisa 1aad, Xarafka (T), sidaa awgeed annigoo tixgelinaya codsiga gollahaGuurtida, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa labada Xeer ee ujeeddada sare ku xusan” ayuu Madaxweyne Biixi ku yidhi, qoraalka.

Dhinaca kale, arrintan ayaa durba kicisay xiisad siyaasadeed iyo xasaasiyad la naawilayay in laga gudbay, iyadoo labada golle ee Guurtida iyo Wakiilladu xeerarka doorashooyinka ee mar kale xiisaddaha siyaaseed soo celinayaa hore iusgu maan dhaafeen, sidoo kale Axsaabta mucaaradka, Ururada iyo xukuumaddu isku maandhaafeen.

Halkan ka Daalaco Qaar ka mid ah Hab-raaca qodobada Dastuurka ee labada Golle baarlamaan (Wakiillada iyo Guurtida) iyo Gollaha Fulinta ee Xukuumaddu isugu gudbiyaan iyo qodobada tilmaamaya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post