X

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Soo Saaray Wareegto Magcaabis Ah

#Araweelo_News_Network.

 

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi soo saaray wareegto uu ku magacaabay Xubnaha cusub ee Kommishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka Somaliland.

 

Wareegtada Madaxweyne Biixi soo saaray maanta oo ku taariikhaysan 19 Sep 2023, nuqul ka mid ah oo soo gaadhay Shabakaddaha Araweelo News Network, ayaa u dhignayd Sidan:-

Wareegto Madaxweyne Magacaabid.

 

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamaha, Xeer Lr. 39/2010;

Markaan Helay: Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leeyahay Dhismaha, Sumcadda iyo Horumarka Qaranka;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha hoos ku xusan in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:

Tir Magaca Xilka

  1. Maxamed Baaruud Cali Xubin
  2. Maxamed Xasan Caalin Xubin
  3. Mustafe Cali Cismaan Xubin
  4. Baashe Maxamuud Faarax Xubin
  5. Maxamed Jaamac Ibraahin Xubin
  6. Cabdiraxmaan Cismaan Cabdulle Xubin
  7. Muuse Jaamac Cigge Xubin

[

Xubnahan oo sida sharcigu dhigayo ay soo xuleen Guddida xulista xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka oo madaxweynaha Qaranka u soo gudbiyey 14 xubnood si uu ugala soo baxo madaxweynuhu todobadan xubnood kuna magacaabo wareegto Madaxweyne, Sidaa darteedna todobada xubnood ee kalena u noqdaan keyd xubnahaa madaxweynuhu ku magacaabay wareegtada.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post