X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Mar Kale Ka Hadlay Mawqifka Xukuumaddiisa Ee Xalka Laascaanood

Somaliland President Muse Bihi Abdi,Image Araweelo News Network, 18 September 2022.

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale ku celiyay inay dhankooda diyaar u yihiin in arrinta Laascaanood lagu dhammeeyo nabad iyo wadaxaajood, isla maarkana la joojiyo dhiiga daadanaya iyo colaada.

 

 

 

 

“Aniga iyo shacabka reer Somaliland waxay ka midaysan yihiin in arrinta Laascaanood xabbadda la joojiyo, nabadna lagu dhammeeyo, mar walbana taas baannu u taagannahay, dawladda Somaliland iyo ciidankeeduna weerar lasoo weerarayo inay iska difaacaan mooyaane, marnaba dagaalkaas may gelin, diyaarna uma aha inay dad islaam ah oo Somaliland oo dadkoodii ah ay weeraraan”sidaa waxa yidhi, Madaxweyne Biixi oo kulan balladhan kula yeeshay qasriga Madaxtooyadda Culimada waaweyn ee dalka iyo masuuliyiinta qarnaka qaarkood.

 

“Maaddaama dadka reer Somaliland nabad u diyaar yihiin, anna aan odayga ugu ahay nabaddii diyaar baannu u nahaye ciddii dhinaca kale ah caawa nabadda xidhi karaysa ee xabbadda dhankooda joojin karaysa annagu xabbad ma wadnee diyaar baannu u nahay”ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi, isagoo Culimada usoo jeediyay inay wixii tallo ah ee lagu joojinayo collaada ay diyaar u yihiin xukuumad ahaan inay u dhega nuglaadaan.

 

 

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi wuxuu ka hadlay xadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida aannay suurtagal u ahayn in wax laga beddelo, isagoo yidhi, “Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay isku hayaan xuduudaha labada dal iyo inay laba dawladood oo mar si walaaltinimo ah isugu yimi ahaayeen, dawladdiina ka duntay oo qayb waliba iskeed wax u dhisatay, Dastuurkeennu isku mid aha, 33-sannaynu kala maqnayn, markaa dadka reer Somaliland xadka dhawr iyo kontonka dawladood ee Afrika ku dhisan yihiin uun bay Somaliland kamid tahay, waxa aynu kala tabanayno aynu walaaltinimo isugu sheegno.”

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post