X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Magcaabis Iyo Xil Ka Qaadis Sameeyay

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa magaacis iyo xil ka qaadis ku sameeyay xubno ka mid ah xukuumaddiisa, sidaana waxa lagu sheegay wareegtooyin kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland Khamiistii maanta.

 

 

Wareegtooyinka Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shebekaddaha Araweelo News Network.

Qoraalka Wareegtiiyinka oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-1013/052023, JSL/XM/WM/222-1014/052023, JSL/XM/WM/222-1015/052023 iyo JSL/XM/WM/222-1016/052023  wuxuu Madaxweyne Biixi xilka qaadis, isku bedel iyo magacaabid ku  sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

                                                                                                                                              

Wareegtooyinka Madaxweynaha ayaa u qornaa Sidan:-

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

 

Ku: Cabdiqani Maxamuud Jiidhe

       Guddoomiyihii Gobolka Gabiley      

 

Ogg: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado Xilkii Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

 

          Ujeeddo: Magacaabid. 

 

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

 

Markaan Arkay:   Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay:   Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:    In ay HaNnan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey:  La-tashi;Waxaan Go’aamiyey;

 

In Cabdi Cismaan Dhaga-weyne Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

In aan Guddoomiyihii Gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye u beddelo in ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

In Cabdikariim Siciid Aw Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

                                       Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post