#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa magaacis iyo xil ka qaadis ku sameeyay xubno ka mid ah xukuumaddiisa, sidaana waxa lagu sheegay wareegtooyin kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland Khamiistii maanta.
Wareegtooyinka Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shebekaddaha Araweelo News Network.
Qoraalka Wareegtiiyinka oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-1013/052023, JSL/XM/WM/222-1014/052023, JSL/XM/WM/222-1015/052023 iyo JSL/XM/WM/222-1016/052023 wuxuu Madaxweyne Biixi xilka qaadis, isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Wareegtooyinka Madaxweynaha ayaa u qornaa Sidan:-
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
Ku: Cabdiqani Maxamuud Jiidhe
Guddoomiyihii Gobolka Gabiley
Ogg: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado Xilkii Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.
Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay HaNnan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;Waxaan Go’aamiyey;
In Cabdi Cismaan Dhaga-weyne Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland.
In aan Guddoomiyihii Gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye u beddelo in ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Cabdikariim Siciid Aw Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.