X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Safar Ugu Baxo Dalka Ethiopia

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa la filayaa inay maalinta beri safar ugu baxaan xaunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland, iyadoo xidhiidho shebakaddaha Araweelo News Network la sameeyeen qasriga Madaxtooyadda aannay aannay wax jawaab ah ka bixin wararka sheegaya in Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiin ka tisran xukuumaddu safar ugu baxayaan dalka Ethiopia maalinta Axadda ee 13 March 2023.

Hase yeeshee ila wareedyada ay heshay Araweelo News Netywork, ayaa tibaaxaya in ujeedadda safarku ay la xidhiidho sidii xala nabadeed loogu soo dabaali lahaa arrinta Magaalada Laascaanood, iyadoo la filayo inay dhinacyada Xukuumadda Somaliland iyo Garaaddada Sool wadahadal ay dawladda Ethiopia martigelisay isku soo hor fadhiistaan 15 March 2023, taas ooh ore loo qorsheeyay kaddib markii ay Dublamaasiyiin ka socda dawladda Ethiopia iyo kuwo ka socday Beesha caalamka kulamo la yeesheen maalimihii u danbeeyay Xukuumadda Somaliland iyo dhinaca Odayaasha Sool.

Guddoomiyihii Gollaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif ayaa isagu habeen hore safar ugu baxay dhinaca dalka Ethiopia, iyadoo masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, markaa kaddib iyaguna safar ugu baxeen dhanka Ethippia, wallow aan la shaacin ujeedada safarkooda, balse waxa lala xidhiidhiyay inuu qayb ka yahay xal u helida arrinta Laascaanood iyo sidii wadahadalo loogu dhammayn lahaa collaada dhiiga baddan ku daatay oo cabsi weyn gelisay deganaanshaha iyo amniga gobolka oo dhan, maadaama ay Somaliland tahay halbawlaha ugu muhiimsan ee mandaqada, isla markaana ku suntanayd deganaasho, xasilooni iyo dimuqraadiyad ay dunidu ku majeeranaysay soddonkii sannadood ee u danbeeyay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post