X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Geerida Chief Caaqil Cabdirisaaq Caqli Oo Ahaa Qoraa Iyo Khabiir Millateri

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Allah haw naxariistee Marxuum Chief Caaqil Cabdirisaaq Caqli Axmed Daad oo ahaa aqoonyahan iyo khabiir dhanka arrimaha Millateriga iyo Baadhe oo wax baddan ka qoray Taariikhda Bulshada Soomaalida, ayaa ku geeriyooday saaka 17/02/2023, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

Marxuum Cabdirisaaq Caqli, waxa hadlay geeridiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi,oo tilmaamay doorkii iyo kaalintii uu kaga jiray Bulshada.

 

Dhambaal tcasi ah oo kasoo baxay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu Madaxweyne Biixi  isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, tacsi ah u diray, Ciidamada Kala duwan ee Qaranka Somaliland, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda qoraalka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Allah ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Cabdirisaaq Caqli Axmed Daad oo ku geeriyooday Saaka oo ay taariikhdu ahayd 17/02/2023, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

 

Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyay tiir ka baxay dalka iyo dadka, isla markaana door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii Dalka, muddooyinkii danbena ka mid ahaa guddida derejo bixinta ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sidoo kale, marxuum Cabdirisaaq Caqli, ayaa ka mid ahaa saraakiishii sar-sare ee ciidamadii Jamhuuriyaddii bur-burtay ee la isku odhan jiray Soomaaliya, waxa xusid mudan inuu marxuumku ahaa taariikh-yahan, cilmi baadhe, qoraa ah oo Buuggaag badan qoray, kuwa kalena turjumay.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda qoraalada, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post