X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Aaska Marxuum Cabdinaasir

Gebilay (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku tilmaamay dilka Marxuum Cabdinaasir Muuse Dable mid noociisu ku cusubyahay dhaqanka Soomaalida iyo deegaamada ay degto, isla markaana muujinaya cadaawad xun oo shacabka Somaliland u muujinaysa mid ka xun wixii hore u dhacay.

Madaxweyne Biixi iyo masuuiliyiinta xukuumadda iyo gollayaasha kale ee wakiillada iyo Guurtida oo kumanaan qof kala qaybgalay Aas magaalada Gabiley loogu sameeyey marxuum Cabdinasir Muuse Dahable oo dhawaan la sheegay in lagu dilay magaalada Muqdisho, ayaa hadalkiisa ku sheegay waxa laga filan karo madaxda Muqdisho.

Aaska  loo sameeyey marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable waxa madaxweynaha ka sokow  kala qaybgalay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, Siciid Mire Giire, xubno ka mida baarlamaanka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax ka socotay axsaabta mucaaridka, madax-dhaqameed, siyaasiyiin, ganacsato, haldoor iyo Boqollaal katirsan shacabka kala duwan ee reer Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa tacsiyeeyey ehelka iyo qaraabada uu marxuumku ka baxay iyo guud ahaanba qaranka Somaliland, wuxuuna dawladda Federaalka ee Somalia ka dalbaday innay ka sugayaan ciddii dishay marxuumka oo aan ahayn  qof xataa siyaasad ku jiray oo dilkiisa loo aannayn karo arrimo siyaasadeed.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si cad u sheegay in laga xisaabtami doono dilka marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable, dilkiisuna colaad riiq-dheeraata abuurayo, waxana uu yidhi,“Tan oo oo kale looma Ooyo ee waddo loo maro ayey leedahay, dadweynahana waxa aan leeyahay calaacal iyo Oohin midna ma laha ee weynu u ducaynaynaa, Somaliland-na colaadda ay tan ka qaaddo tii hore way ka weynaanaysaa, waayo waa wax aan hore inoo soo marin.”

Madaxweynuhu waxa uu su’aal geliyey sababta keentay dilka marxuum Cabdinaasir oo shaqaale rayid ah oo siyaasadda ka durugsan ahaa, “Ninkani siyaasi muu ahayn, cid ma maagin ee diyaaradaha shacabka iyo sida loola hadlo uun buu yaqaanay, taasina wax qarsoodi ah ma ahee dawladda Xasan Sheekh waxan leeyahay ninkani muxuu mutaystay ee lagu dilay, taas oo jawaabteeda haddii la waayona waa Badheedh,” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post