Ku akhri wax ka yar laba daqiiqo.
#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland. Muuse Biixi Cabdi, ayaa digerato kusoo saaray muddada Kommishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, kadib markii Guddida diirashooyinku maalintii Sabtidii shalay ay muddeeyeen Doorashooyinka isku lifaaqan ee Madaxtooyadda iyo Ururada siyaadada.
Wareegtada Madaxweynaha oo ku taariikhaysan 21.04.2024, ayaa lagu yidhi, “Madaxweynuhu wuxuu soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 24/042024, taas oo ah Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka.”
Digreetada ayaa lagu xusay in Madaxweynuhu, isagoo ka duulaya sida ku cad Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka uu soo saaray digreetadan.
Sidookale, Madaxweynuhu, isagoo tixraacaya Qoraalka Guddida doorashooyinka ee summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka.
Wuxuu soo-saaray digreetada ah, “In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka” .ayaa lagu yidhi qoraalka digreetada oo.nuqul ka mid ah soo gaadhay Shabakaddaha Araweelo_News_Network.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: AraweeloTv
@araweelonews
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
info@araweelonews.com