X

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Digreeto Ku Cayimay Doorashooyinka

President of the Republic of Somaliland muse Bihi Abdi Image Araweelo News Network 26 November 2020.

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto kusoo saaray xilliga ay dhacayaan doorashooyinka tartanka Ururada iyo axsaabta iyo doorashada Madaxtooyadda.

War-safaxaeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shabakaddaha Araweelo News Network, gelinkii danbe ee maanta ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Biixi oo tix-raacaya Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo la xidhiidha Qoraalka Summaddiisu tahay Tix: KDG/XK/K-6/56/2023, kuna taariikhaysan 05/08/2023, kusoo saaray wareegto Madaxweyne ku cayimay Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Wareegtada Madaxweyne Biixi, ayaa u qornayd Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 22/082023

Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka.

Markaan Arkay; Qodobka 16aad Farqaddiisa 1aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo dhigaya in Komishanka Doorashooyinku awood u leeyahay inuu cayimo wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo Madaxweynaha u gudbinaya si uu Degreeto ugu soo saaro;.

Markaan Arkay; Qodobka 6aad Farqaddiisa 1aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo dhigaya in Komishanku uu cayimayo taariikhaha la qabanayo Doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerka, iyaga oo ku salaynaya bil ka hor muddo-xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wakiillada, waxaana si rasmi ah loogu cayimayaa Degreeto Madaxweyne;.

Markaan Helay; Qoraalka Summaddiisu tahay Tix: KDG/XK/K-6/56/2023, kuna taariikhaysan 05/08/2023, qoraalkaasi oo uu komishanku ku soo gudbiyay Go’aanka Sumaddiisu tahay Tix; KDG/XK/K-6/54/2023, kuna taariikhaysan 17/07/2023, kaasi oo Komishanku ku Go’aamiyay Qodobbadan;

  1. In doorashada Xisbiyada Qaranka la qaban doono taariikhdu markay tahay 28 December 2023, si loo helo Saddex Xisbi Qaran oo ansaxsan, lana siiyo Shahaadada Xisbinimo ee tobanka (10) sanno ah, si waafaqsan Qodobka 5aad Farqaddiisa 3aad xarafka (j) ee Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011;.
  2. In doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxawynaha la qaban doono bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, sida ku xusan Qodobka 83aad Farqaddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna beegan 13 November 2024, iyada oo la raacayo go’aanka muddo kordhinta Golaha Guurtida ee tix-raaciisu yahay GG/JSL/G-03/10/2022, kuna taariikhaysan 01/10/2022;

Waxan Go’aamiyay

  1. In Doorashada Xisbiyada Qaranku ka qabsoonto dalka Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu markay tahay 28 December 2023.
  2. In Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoonto taariikhdu markay tahay 13 November 2024.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

        Nasir Yusuf Dahir
Director of the Press and Media Department of the Presidency

Hargeisa – Republic of Somaliland
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post