X

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Baarlamaanka U Gudbiyay Go’aamada Guddida Isu Xilqaamay Xalinta Khilaafka Doorashooyinka

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa labada golle u gdbiyay  go aamaada ay soo saareen Guddida u guntaday xalinta khilaafka siyaasadeed ee dalka ragaadiyay.

 

Madaxweyne Biixi oo ay Guddidu xallay sheegeen innay inuu ka aqbalay, ayaa maanta soo saaray wareegto uu si toos ah ugu gudbinayo Gollayaasha Wakiillada iyp Guurtida ee sharcidejinta g’aamada  ay soo saareen Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka.

 

Wareegtada ayuu Madaxweynuhu ku socodsiiyay, Shir-guddoonka Golaha Guurtida JSL Shir-guddoonka Gollaha Wakiillada, isagoo oggaysiin siiyay Kommishanka Doorashooyinka Qaranka.

 

Ujeeddo: Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka

Mudaneyaal,waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaalladdaha guud ee dalka.

 

Sidaa darteed, si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Gollaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Dalka. Ayuu Madaxweyn Biixi ku yidhi, wareegtada.

Wareegtada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu lifaaqay go’aamada soo jeedinta Odayaasha Salaadiinta iyo Guddida Beelaha Habarjeclo ee xalinta khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashooyinka iyo qodobada khuseeya xalka xiisadda gacan-libaax halkan ka akhri.

  

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post