#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa labada golle u gdbiyay go aamaada ay soo saareen Guddida u guntaday xalinta khilaafka siyaasadeed ee dalka ragaadiyay.
Madaxweyne Biixi oo ay Guddidu xallay sheegeen innay inuu ka aqbalay, ayaa maanta soo saaray wareegto uu si toos ah ugu gudbinayo Gollayaasha Wakiillada iyp Guurtida ee sharcidejinta g’aamada ay soo saareen Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka.
Wareegtada ayuu Madaxweynuhu ku socodsiiyay, Shir-guddoonka Golaha Guurtida JSL Shir-guddoonka Gollaha Wakiillada, isagoo oggaysiin siiyay Kommishanka Doorashooyinka Qaranka.
Ujeeddo: Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka
Mudaneyaal,waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaalladdaha guud ee dalka.
Sidaa darteed, si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Gollaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Dalka. Ayuu Madaxweyn Biixi ku yidhi, wareegtada.
Wareegtada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu lifaaqay go’aamada soo jeedinta Odayaasha Salaadiinta iyo Guddida Beelaha Habarjeclo ee xalinta khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashooyinka iyo qodobada khuseeya xalka xiisadda gacan-libaax halkan ka akhri.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com