X

Somaliland Madaxweynaha Oo Digreeto Kusoo Saaray Mushahar Kordhinta Ciidamada Qaranka 

 

#Araweelo_News_Network

 

Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta soo saaray wareegto lagu xaqiijunayo balanqaadkii mushahar Kordhinta Ciidanka Qaranka.

Madaxweyne Cabdiraxmaan waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 22/01/2025 uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XERM/249-044 /012025 uu ku soo saarey Kordhinta Mushaharka Ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Waxaana uu xeerku u dhignaa Sidan:-

𝗫𝗲𝗲𝗿 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗟𝗿 𝟬𝟮/𝟬𝟭𝟮𝟬𝟮𝟱.

𝗞𝗼𝗿𝗱𝗵𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗠𝘂𝘀𝗵𝗮𝗵𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗱𝘂𝘄𝗮𝗻 𝗲𝗲 𝗝𝗮𝗺𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱.

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: Qoddobka 90aad faqraddiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲:Qodobka 123aad iyo Qodobka 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: Muhiimadda ay Ciidammada kala duwan ee Qaranku u leeyahay, Madax-bannaanida Qaranka, Difaaca, Ilaalinta iyo sugidda nabadgelyada gudaha, Badbaadinta iyo illaalinta nafta iyo hantida bulshada, Dhawridda Xorriyaadka aasaasiga ah iyo Fulinta ku dhaqanka Dastuurka iyo Shuruucda Jamhuuriyadda Somaliland;

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐧𝐜𝐚𝐲: Muhiimadda ay leedahay in Ciidammada Qaranku ay helaan mushahar joogto ah oo ku filnaan kara;

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐧𝐬𝐚𝐝𝐚𝐲: In aan fuliyo Ballan-qaadkaygii ahaa kordhinta Mushaharka joogtada ah ee Ciidammada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;

𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐒𝐨𝐨-𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲

1. In aan kordhiyo Mushaharka joogtada ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, laga bilaabo sannadkan 2025-ka.

2. In sannad miisaaniyadeed kasta Ciidammada kala duwan ee Qaranka loo kordhiyo Mushaharka joogtada ah xaddi dhan (50%) muddo xileedka koowaad ee Xukuumadda, iyada oo laga duulayo Mushaharka joogtada ahaa sannad miisaaniyadeedkii 2024-ka.

3. In lagu sameeyo diiwaangelinta bu’da (IRIS Biometric Registration) dhammaan Ciidammada kala duwan ee Qaranka muddo soddon (30) maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa 01-02-2025.

4. In mushahar kordhinta Ciidammada kala duwan ee Qaranku ka bilaabanto marka la soo dhammeeyo diiwaangelinta iyo tiro koobka Ciidammada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;

𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐋𝐞𝐡
.
𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨)
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post