X

#Somaliland: Madaxweynaha Oo Dhoolacadayn Ku Daaf-furay Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee sannad-dugsiyeedka 2022-2023

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo qaybinaya nuqulo ka mid ah Imtixaanka sannad-dugsiyeedka 2022-2023, iyadoo ay weheliyaan masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Somaliland, 17 Jun 2023, Image Araweelo News Network.

 

 

Tirada Ardaydii Ugu Badnayd Iyo Waxyaabaha Ku Cusub Imtixaanka

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhoolacadayn ku daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 4aad ee Dugsiyada sare iyo Fasallada 8aad ee Dugsiyada H/Dhexe oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay gobollada iyo degmooyinka dalka.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo qaybinaya nuqulo ka mid ah Imtixaanka sannad-dugsiyeedka 2022-2023, iyadoo ay weheliyaan masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, 17 Jun 2023, Image Araweelo News Network.

 

Madaxweynaha, waxa furitaanka Imtixaanka ku weheliyay wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdirisaaq Naakhuude, Wasiir ku xigeenka, guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax iyo masuulyiin kale oo wasaaradda ah, waxaana imtixaanka si rasmi ah loogu  daah-furay Dugsiga sare ee Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.

Qaar ka mid ah Ardayda u fadhiisatay Imtixaanka sannad-dugsiyeedka 2022-2023, 17 Jun 2023, Image Araweelo News Network.

Ardayda ku sugnayd dugsigaa, waxa nuqulo ka mid ah Imtixaanka u qaybiyay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

 

Sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2022/2023, ayaa saaka ka bilaabmay 300 Goobood, iyadoo ay ka qaybgelayaan ardaydii ugu badnayd ee dhammaystay waxbarashadda Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee dalka.

Qaar ka mid ah Ardayda u fadhiisatay Imtixaanka sannad-dugsiyeedka 2022-2023, 17 Jun 2023, Image Araweelo News Network.

Guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka, Mudane Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay inay sannadkan imtixaanka u fadhiisanayaan tiradii ugu badnayd abid Imtixaanka Shahaadiga ah ee dalka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in sannadkan imtixaanka ay u fadhiisanayaan in ka badan 41-kun oo Arday oo isugu jira 25-kun oo dugsiyada Dhexe ah iyo 16-kun oo Dugsiga sare ah, kuwaas oo aanay ku jirin 3, 243 arday oo ah ardayda Gobolka Sool oo xaalad ammaan-darro awgeed looga reebay, balse gollaha wasiiraddu si gaar ah go’aan uga soo saareen, isla markaana qiimayn gaar ah loo samaynayo.

Gudoomiyha Waxbarashadda Gobolka Sanaag, Axmed Shire Maxamed “Baandheeye” oo Kormeeraya Qaar ka mid ah Ardayda u fadhiisatay Imtixaanka sannad-dugsiyeedka 2022-2023, 17 Jun 2023, Image Araweelo News Network.

Guddoomiyaha Xafiiska imtixaanaadku waxa kale oo uu xusay in sannadkan markii u horaysay ay imtixaanka u fadhiisteen arday aragga naafo ka ah.

 

Dhankiisa, Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa isaguna madaxweynaha uga mahadnaqay daah-furka imtixaanka qaranka ee maanta bilaabmay, waxana uu ardayda u rajeeyey guul.

Dhinaca kale, Ardayda ka qaybgelay Imtixaanka, ayaa Telefoonada lagaga reebay ka hor intii aannay gelin dugsiyada iyo goobaha lagu qaadayo, taas oo qayb ka ah sidii loo yarayn lahaa qishka ka yimaada kalsoonidarada xilliyada Imtixaanka ee Ardayda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post