Tirada Ardaydii Ugu Badnayd Iyo Waxyaabaha Ku Cusub Imtixaanka
#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhoolacadayn ku daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 4aad ee Dugsiyada sare iyo Fasallada 8aad ee Dugsiyada H/Dhexe oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay gobollada iyo degmooyinka dalka.
Madaxweynaha, waxa furitaanka Imtixaanka ku weheliyay wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdirisaaq Naakhuude, Wasiir ku xigeenka, guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax iyo masuulyiin kale oo wasaaradda ah, waxaana imtixaanka si rasmi ah loogu daah-furay Dugsiga sare ee Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.
Ardayda ku sugnayd dugsigaa, waxa nuqulo ka mid ah Imtixaanka u qaybiyay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.
Sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2022/2023, ayaa saaka ka bilaabmay 300 Goobood, iyadoo ay ka qaybgelayaan ardaydii ugu badnayd ee dhammaystay waxbarashadda Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee dalka.
Guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka, Mudane Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay inay sannadkan imtixaanka u fadhiisanayaan tiradii ugu badnayd abid Imtixaanka Shahaadiga ah ee dalka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in sannadkan imtixaanka ay u fadhiisanayaan in ka badan 41-kun oo Arday oo isugu jira 25-kun oo dugsiyada Dhexe ah iyo 16-kun oo Dugsiga sare ah, kuwaas oo aanay ku jirin 3, 243 arday oo ah ardayda Gobolka Sool oo xaalad ammaan-darro awgeed looga reebay, balse gollaha wasiiraddu si gaar ah go’aan uga soo saareen, isla markaana qiimayn gaar ah loo samaynayo.
Guddoomiyaha Xafiiska imtixaanaadku waxa kale oo uu xusay in sannadkan markii u horaysay ay imtixaanka u fadhiisteen arday aragga naafo ka ah.
Dhankiisa, Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa isaguna madaxweynaha uga mahadnaqay daah-furka imtixaanka qaranka ee maanta bilaabmay, waxana uu ardayda u rajeeyey guul.
Dhinaca kale, Ardayda ka qaybgelay Imtixaanka, ayaa Telefoonada lagaga reebay ka hor intii aannay gelin dugsiyada iyo goobaha lagu qaadayo, taas oo qayb ka ah sidii loo yarayn lahaa qishka ka yimaada kalsoonidarada xilliyada Imtixaanka ee Ardayda.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com