X

Somaliland: Ka Hadashay Dagaalka Laascaanood Dalalka Gobolkana  Baaq U Jeedisay

Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku sugan Tukaraq

#Araweelo_News_Network.

 

Laascaanood (ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dagaal saaka waaberigii ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay in ka baddan saddex todobaad dagaalo aan xidhiidh ahayn ka socdeen.

“Fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Galbeed Magaalada Laascaanood soo weeraray saaka kooxaha Nabad diidka iyo Argagixisada ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood.” Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Somaliland Salaasadii maanta 28 February 2023.

Laxidhiidha: Laascaanood Dagaalka Laysugu Awood Sheegtay

Xukuumadda Somaliland, waxay ku sheegtay warkeeda in Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan dhirbaaxo kulul ku dhufteen kooxaha huwanta ah, kuwaas oo sida ay sheegtay ay kusoo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi dhinaca Magaalada Muqdisho.

Laxidhiidha:Waxa Ballan ah in Aannu Laascaanood kusoo celino Gacanta Qaranka Somaliland ”Taliyaha Qaybta Difaaca Safka Hore Ee Jiida Tukaraq Sareeyo Guuto Faysal Bootaan

“Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay shacabkooda ka difaacaan kooxaha Argagixisada ah ee gabaadka ka dhiganaya dadka shacabka,kooxahan oo isaga kala yimi meelo kala duwan.” Ayaa lagu yidhi, war-saxaafadeedka.

Dhinaca kale, waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka in Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u cadaynayso Beesha Caalamka iyo wadamada jaarka ah in kooxahan Argagixisada ah ee dagaal kula jira Somaliland ay khatar ku yihiin nabadgelyada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika, sidaa awgeed “Dawladda Somaliland waxay baaqaysaa in la iska kaashado kooxahan Argagixisada ah sidii looga sifayn lahaa Magaalada Laascaanood.” Ayaa lagu yidhi, war-saxaafadeedka.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post