X

Somaliland Iyo Dunida Islaamka Oo Laga Shaaciyay Curashada Bisha Shuwaal

Sh.Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), oo Shaaciyay Curashada Bisha Shuwaal 20 April 2023, 1 Shuwaal 1444, oo ku beegan 21 April 2023, Image Araweelo News Network.

Culimada Oo Ka Hadashay Salaadda Ciida Iyo Jimcaha

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Dunida Islaamka, ayaa laga iclaamiyay in maalinta Jimcaha ay bilatay bisha Shuwaal, isla markaana ay tahay maalinta ciidal Fidri, iyadoo wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland, ku dhawaaqay.

Sh.Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) ayaa shir is kugu yeedhay Gudidda Culimadda ah ee uu umagacaabay ilaalinta bilashada bisha Shuwaal, iyadoo sheegay in curashada bisha Shuwaal laga arkay geyiga Somaliland iyo dunida kale ee Islaamka dalalka qaarkood, sidaa awgeed aannay jirin wax murran ah oo ka taagan.

 

Wasiir Albaani, ayaa hore ugu baaqay Dhammaan Shacabka Somaliland inay ilaaliyaan eegista Bilashada bisha shuwaal ee ciidal Fidriga, isagoo ku wargeliyay in

Qofkasta oo arka bilashada bisha Shuwaal lasoo xidhiidho Gudidda ilaalinta bisha, xafiisyada Wasaaradda, Gudoomiyaasha Gobolada, amma saldhig Boolis barta ugu dhaw.

 

Sidaa awgeed wuxuu sheegay in muwaadin lagu magcaabo Cismaan Budhle Maxamuud oo aannu xusin deegaanka uu joogo ka mid ahaa dadka arkay curashada Bisha Shuwaal, isla markaana ay jiraan dad kale oo arkay sidaana lagu wargeliyay shacabka Somaliland inay bisha shuwaal curatay, isla markaana ay maalinta Jimcaha ee 1444, bisha Ramadaan ku dhammaatay 29, taas oo ku beegan 20 April 2023, isla markaana maalinta Jimcaha eee 1 Shuwaal 1444, taariikhda Hijri ay tahay maalin ciid ah oo ku beegan 21 April 2023, taariikhda miilaadiga.

Maadamaa Salaada Ciidal Fidri ku beegantay maalin Jimce ah, wuxuu sheegay Wasiir Albaani in aannay waxba ka beddelayn salaadii Jimcaha oo iyadana la tukanayo, iyadoo aannay jirin wax diidaya, marka laga yiamado dhulka miyiga iyo Tuulooyinka ee aan hore salaadda Jimcaha laga ooggi jirin, balse waxay culumadu sheegeen in ay tahay waajib salaadda Jimcuhu oo iyadana sideedii loo gudanayo.

Sh.Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa ugu hanbalyeeyay munaasibada ciida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhammaan shacbiga, wuxuuna ka digay in munaasibada ciida la sameeyo waxyaabo macsi keeni kara.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacbiga Somaliland iyo dunida Islaamka ugu hanbalyeeyay munaasibadda ciidal fidriga, isagoo u rajeeyay inay bash-bash iyo barwaaqo ku gaadhaan ciida ciideeda.

Sidoo bahda Shebekaddaha Araweelo News Network, waxay ku hanbalyaynaysaa munaasiabdda Ciidal Fidriga Akhristayaasheeda, gaar ahaan shucuubta Muslinka ah ee ku xidhan oo kala sugan dacalada dunida, waxayna Allah uga baryayaan inuu ka aqbalo acmaashii iyo cibaadadii bisha barakaysan ee Ramadaan, isla markaana ciida Ciideeda dhammaanteena inagu gaadhsiiyo caafimaad iyo barwaaqo.

Eid Mubaarak Kula Caamu wa antum Bil Khayr.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post