X

#Somaliland: Is Casilaada Guddoomiyihii Gollaha Wakiillada Guul Iyo Guuldaro Cidda Danbarsan Doonta Natiijadda Siyaasadda Laascaanood

Guddoomiyaha la doortay ee gollaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Image File Araweelo News Network, 7 August 2021.

#Araweelo_News_Network.

Guddoomiyihii Gollaha Wakiiladda Somaliland Oo U Xuubsiibtay Maamulka Lagaga Dhawaaqay Deegaanka Laascaanood Ee SSC

Laascaanood(ANN)-Guddoomiyihii gollaha wakiillada Somaliland Cabdirsaaq Khaliif, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilii Guddoomiye ee uu hayay labadii sannadood ee u danbeeyay iyo xubinimadii gollaha.

 

Cabdirisaaq Khaliif, ayaa sidoo kale, wuxuu sheegay inuu iska casilay guddida fulinta ee Xisbiga WADDANI iyo xubinimadii, isagoo is casilaadahaa kaga dhawaaqay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Laxidhiidha: Dacwadda Guddoomiyaha Gollaha Wakiilladda Oo Asqaysay Saaxadda Siyaasadda

Xeer-ilaalinta ayaa dacwad ka gubisay guddoomiyaha is casilay, taas oo keentay xiisad siyaasadeed iyo mid sharci, isla markaana gollaha wakiillada ee uu ka tirsanaa ayaa waajahayay culays siyaasadeed iyo sharci oo la xidhiidhay dacwadda xeer-ilaalintu ka gudbisay.

Xukuumadda Somaliland, ayaa si weyn u danaynaysay sidii guddoomiyiha is casilay xilka looga qaadi lahaa tan iyo markii ay bilaabantay xiisadda siyaasadeed ee Laascaanood oo markii danbe isu beddeshay dagaal dhiig baddan ku daatay.

Wuxuu sheegay in casilaadiisa aannay ka madhnayn in uu culayka saarnaa gollihiisa oo hoggaankii golluhuna maaraynteeda aannay awooddin ay qayb ka tahay in uu ku dhawaaqo inuu iska casilo guddoomiyaha gollaha iyo weliba xubinada. Sidaa awgeed uu dadkiisa iyo deegaankiisa la qaybsanayo dhib iyo dheefba.

Guddoomiyihii hore Cabdirisaaq Khaliif, wuxuu si weyn u amaanay qaraarka gollaha amaanka ee ka hadlayay arrinta Laascaanood, balse wuxuu dhaliilay jawaabta xukuumadda Somaliland ka bixisay arrintaa oo uu sheegay in aannay ahayn mid ku haboon, isagoo dhinaca kalena amaan u jeediyay dawladda Federaalka ee Soomaaliya mawqifkeeda arrinta Laascaanood iyo madaxda maamulka Puntland oo sida uu sheegay garab istaagay shacbiga Laascaanood.

Laxidhiidha: Somaliland: Xeer-ilaalinta Qaranka Oo Dacwad Ku Ooggay Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif

Dhawaaqiisa uu ku caddeeyay inuu hadda wixii ka danbeeya u xuubsiibtay maamulka lagaga dhawaaqay Laascaanood ee SSC, wuxuu ku ladhay in uu marar baddan danaynayay in arrinta aan lasii fogayn oo aan la gaadhsiin meel sababi karta in aannay dadka Laascaanood iyo Somaliland isku soo laaban, balse wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisu dheggaha ka furaysteen tallooyinkii uu xalka u arkayay bilawgii, taasina ay isaga dhankiisa niyad jab weyn ku abuurtay, isla markaana dhaxalsiisay inuu ka calool go’o siyaasadda Somaliland, sidaana ugu danbayntii ku go’aansaday inuu dadkiisa raaco.

“Marar baddan oo tallooyin aan Madaxweyne Biixi u gudbiyay si arrintu aannay u foggaan lama dhegaysan, maantana waxa la gaadhsiiyay meel aannay weligood isku soo laaban.” Ayuu yidhi. Khaliif.

Su’aalo baddan ayaa ku xeeran doorkiisa siyaasadeed iyo sida ay wax uga bedeli karto xaaladda Laascaanood , sidoo kale, waxa jira su’aalo iyo doodo is weydiinaya iscasilaada guddoomiyihii hore ee gollaha wakiiladu faa’ido iyo khasaare midkee Somaliland u baddan, maadaama ay xukuumadda Madaxweyne Biixi u arkaysay joogitaankisia gollaha wakiilaladu in aannu dan u ahayn, balse faa’ido iyo  khasaare siyaasadeed midka ay qaran ahaan u lahayd, waxa laga dhammi doonaa danbarka siyaasadeed iyo natiijada maalmaha soo socda iyo waayaha soo waajahan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post