#Araweelo_News_Network.
Guddoomiyihii Gollaha Wakiiladda Somaliland Oo U Xuubsiibtay Maamulka Lagaga Dhawaaqay Deegaanka Laascaanood Ee SSC
Laascaanood(ANN)-Guddoomiyihii gollaha wakiillada Somaliland Cabdirsaaq Khaliif, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilii Guddoomiye ee uu hayay labadii sannadood ee u danbeeyay iyo xubinimadii gollaha.
Cabdirisaaq Khaliif, ayaa sidoo kale, wuxuu sheegay inuu iska casilay guddida fulinta ee Xisbiga WADDANI iyo xubinimadii, isagoo is casilaadahaa kaga dhawaaqay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Laxidhiidha: Dacwadda Guddoomiyaha Gollaha Wakiilladda Oo Asqaysay Saaxadda Siyaasadda
Xeer-ilaalinta ayaa dacwad ka gubisay guddoomiyaha is casilay, taas oo keentay xiisad siyaasadeed iyo mid sharci, isla markaana gollaha wakiillada ee uu ka tirsanaa ayaa waajahayay culays siyaasadeed iyo sharci oo la xidhiidhay dacwadda xeer-ilaalintu ka gudbisay.
Xukuumadda Somaliland, ayaa si weyn u danaynaysay sidii guddoomiyiha is casilay xilka looga qaadi lahaa tan iyo markii ay bilaabantay xiisadda siyaasadeed ee Laascaanood oo markii danbe isu beddeshay dagaal dhiig baddan ku daatay.
Wuxuu sheegay in casilaadiisa aannay ka madhnayn in uu culayka saarnaa gollihiisa oo hoggaankii golluhuna maaraynteeda aannay awooddin ay qayb ka tahay in uu ku dhawaaqo inuu iska casilo guddoomiyaha gollaha iyo weliba xubinada. Sidaa awgeed uu dadkiisa iyo deegaankiisa la qaybsanayo dhib iyo dheefba.
Guddoomiyihii hore Cabdirisaaq Khaliif, wuxuu si weyn u amaanay qaraarka gollaha amaanka ee ka hadlayay arrinta Laascaanood, balse wuxuu dhaliilay jawaabta xukuumadda Somaliland ka bixisay arrintaa oo uu sheegay in aannay ahayn mid ku haboon, isagoo dhinaca kalena amaan u jeediyay dawladda Federaalka ee Soomaaliya mawqifkeeda arrinta Laascaanood iyo madaxda maamulka Puntland oo sida uu sheegay garab istaagay shacbiga Laascaanood.
Laxidhiidha: Somaliland: Xeer-ilaalinta Qaranka Oo Dacwad Ku Ooggay Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif
Dhawaaqiisa uu ku caddeeyay inuu hadda wixii ka danbeeya u xuubsiibtay maamulka lagaga dhawaaqay Laascaanood ee SSC, wuxuu ku ladhay in uu marar baddan danaynayay in arrinta aan lasii fogayn oo aan la gaadhsiin meel sababi karta in aannay dadka Laascaanood iyo Somaliland isku soo laaban, balse wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisu dheggaha ka furaysteen tallooyinkii uu xalka u arkayay bilawgii, taasina ay isaga dhankiisa niyad jab weyn ku abuurtay, isla markaana dhaxalsiisay inuu ka calool go’o siyaasadda Somaliland, sidaana ugu danbayntii ku go’aansaday inuu dadkiisa raaco.
“Marar baddan oo tallooyin aan Madaxweyne Biixi u gudbiyay si arrintu aannay u foggaan lama dhegaysan, maantana waxa la gaadhsiiyay meel aannay weligood isku soo laaban.” Ayuu yidhi. Khaliif.
Su’aalo baddan ayaa ku xeeran doorkiisa siyaasadeed iyo sida ay wax uga bedeli karto xaaladda Laascaanood , sidoo kale, waxa jira su’aalo iyo doodo is weydiinaya iscasilaada guddoomiyihii hore ee gollaha wakiiladu faa’ido iyo khasaare midkee Somaliland u baddan, maadaama ay xukuumadda Madaxweyne Biixi u arkaysay joogitaankisia gollaha wakiilaladu in aannu dan u ahayn, balse faa’ido iyo khasaare siyaasadeed midka ay qaran ahaan u lahayd, waxa laga dhammi doonaa danbarka siyaasadeed iyo natiijada maalmaha soo socda iyo waayaha soo waajahan.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com