X

Somaliland: Gudidda Doorashooyinka Oo Canbaareeyay Falka Ay Ku kaceen Dhalinyarada Hubaysan Ee Sitay Calanka KULMIYE

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)- Gudidda Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa si adag u canbaareeyay falkii dhalinyaro hubaysan oo sita calanka Xisbiga KULMIYE ka geysteen habeen hore Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Gudidda Doorashooyiinka Qaranka Muuse Xaaji oo ay hareera joogaan xubnaha Gudidda Doorashooyinka ayaa ku tilmaamay falkaa mid waxyeelo ku ah nidaamka doorashooyinka iyo amniga, wuxuuna sheegay innay kala hadleen Taliyaha Booliska Somaliland, isla markaana ka dalbadeen in dhalinyaradaa sharciga la hor keeno.

Dhinaca kale, Gudidda ayaa saddexda Xisbi uga digay innay ku kacaan falal amniga iyo nidaamka doorashooyinka wax u dhimaya iyo innay ku kacaan ficilo khilaafsan xeerarka anshaxa iyo nidaamka.

Muuqaalkan ka Daawo

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post