X

#Somaliland: Guddoomiye #Xirsi Soo Dhowayntii Xanbaarsanayd Ismuujinta Xisbiga #WADDANI Farriimihii Ku Waajahnaa Xukuumadda #Biixi Iyo Iftiimintii Xirsi Ee Xaalladdaha Jira Ee Dalka 

#Araweelo_News_Network.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha Xisbiga  WADDANI  ee ugu weyn Mucaaradka Somaliland, Xirsi Xaajo Cali Xasan, ayaa kusoo laabatay dalka kaddib safar uu tan iyo dabayaaqadii sannadkii hore ugu maqnaa dalka Britain.

Guddoomiye Xirsi oo maanta kasoo degey Madaarka Hargeysa ayaa si weyn oo xamaasadaysan loogu soo dhoweeyay Hargeya, iyadoo Murrashaxa Madaxweynaha ee u taagan DoorashadavMadaxtooyadda ee mudda dhaafay ah Cabdiramaan Maxamed Cabdillaahi iyo ku zigeenkiisa oo ay weheliyaan  saraakiisha sare ee Xisbiga WADDANI  iyo kumanaa taageerayaasha Xisbsiga si xamaasadaysan ugu soo dhoweeyeen Madaarka Hargeysa.

Isu soo baxa lagu soo dhowaynayay Guddoomiye Xirsi ayaa ahaa mid fariin loogu dirayo Xukuumadda Madaxweyne Biixi, iyadoo socdsalkiisu kusoo beegmay xilli weli xeerarkii doorashooyinku dhex  heehaabayaan Madaxtooyadda. Guurtida iyo Gollaha Wakiillada Somaliland, isla markaana laga caqbsiqabo innay Somaliland dib ugu laabato khilaaf siyaasadeed oo gaadhay inuu wixii ka horeeyay August 2023 gulgilo amniga iyo xasiloonida dalka.

Sidoo kale, soo noqoshada Guddoomiye Xirsi, ayaa kusoo beegantay iyo si wey loo hadalhayo heshiis dhinaca Badda ah oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi lasaxeexday ra,iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, kass oo gobolka ka abuuray  xaalad siyaasadeed oo kacsan iyo xasaasiyad, iyadoo dawladda Federaalka ee Somalia si weyn uga murugootay heshiiska, isla markaana ka qaaday dagaal dublamaasiyadeed iyo khilaaf cirka isku shareeray oo sababay in Ethiopia iyo Somalia dagaalkoodu gaadho Gollaha Amaanka ee qaramada Midoobay.

Taageerayaasha Xisbiga WADDANI  oo sitay calanka uu caanka ku yahay Xisbigoodu, isla markaana qaarkood sitaan boodhah ay ku qoran yihiin halku_dhegyo ay kusoo dhowaynayaan guddoomiyahooda ayaa ku dhawaaqayay weedho xamaasadaysan oo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin inuu si nabad ah guddoomiyahoodu xilligan ugu soo laabto dalkiisa, isla markaana si cad ugu beeniyaan sheekooyin dhinac keliya ka iminayay oo middooyinkii u danbeeyay lagu faafinayay baraha Bulshada,, kuwaas oo lagu sheegayay in Guddoomiye Xisri lagu xanibay dalka Britain, taas oo u muuqatay sheekooyinku dacaacayaddaha ah ee inta baddan dhinacyada siyaasada Somaliland isu adeegsadaan, iyagoo dhexmarinaya u qaybsnayaasha faafnta dacaayaddaha ee Baraha Bulshada.

Guddoomiye Xisri oo la hadlay warbaahinta markii uu kasoo degey Hargeysa ayaa ka hadlay arrimahaa iyo kuwo kale, isagoo dhaliilo u jeediyay Hay^adda Sirdoonka Qaranka oo uu sheegay in aannay ahayn mid sharciyan xaq u leh innay dadka xidho, isagoo tilmaamay  in cida keliya ee wax xodhi kartaa tahay Booliska, sidaa awgeed ay sharcidaro tahay in dad shacab ah oo hubaysan oo Afka soo duubtay dadka Shacabka habeenkii guryahooda kala baxaan, taas oo uu ku tilmamay nid sharciga dalka iyo dastuurku baalmarsan oo ah dhaqan cusub.

Muuqaalkan ka Daawo Guddoomiye Xirsi Soo Dhowayntii iyo Arrimaha uu ka Hadlay.


Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post