#Araweelo_News_Network.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee ugu weyn Mucaaradka Somaliland, Xirsi Xaajo Cali Xasan, ayaa kusoo laabatay dalka kaddib safar uu tan iyo dabayaaqadii sannadkii hore ugu maqnaa dalka Britain.
Guddoomiye Xirsi oo maanta kasoo degey Madaarka Hargeysa ayaa si weyn oo xamaasadaysan loogu soo dhoweeyay Hargeya, iyadoo Murrashaxa Madaxweynaha ee u taagan DoorashadavMadaxtooyadda ee mudda dhaafay ah Cabdiramaan Maxamed Cabdillaahi iyo ku zigeenkiisa oo ay weheliyaan saraakiisha sare ee Xisbiga WADDANI iyo kumanaa taageerayaasha Xisbsiga si xamaasadaysan ugu soo dhoweeyeen Madaarka Hargeysa.
Isu soo baxa lagu soo dhowaynayay Guddoomiye Xirsi ayaa ahaa mid fariin loogu dirayo Xukuumadda Madaxweyne Biixi, iyadoo socdsalkiisu kusoo beegmay xilli weli xeerarkii doorashooyinku dhex heehaabayaan Madaxtooyadda. Guurtida iyo Gollaha Wakiillada Somaliland, isla markaana laga caqbsiqabo innay Somaliland dib ugu laabato khilaaf siyaasadeed oo gaadhay inuu wixii ka horeeyay August 2023 gulgilo amniga iyo xasiloonida dalka.
Sidoo kale, soo noqoshada Guddoomiye Xirsi, ayaa kusoo beegantay iyo si wey loo hadalhayo heshiis dhinaca Badda ah oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi lasaxeexday ra,iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, kass oo gobolka ka abuuray xaalad siyaasadeed oo kacsan iyo xasaasiyad, iyadoo dawladda Federaalka ee Somalia si weyn uga murugootay heshiiska, isla markaana ka qaaday dagaal dublamaasiyadeed iyo khilaaf cirka isku shareeray oo sababay in Ethiopia iyo Somalia dagaalkoodu gaadho Gollaha Amaanka ee qaramada Midoobay.
Taageerayaasha Xisbiga WADDANI oo sitay calanka uu caanka ku yahay Xisbigoodu, isla markaana qaarkood sitaan boodhah ay ku qoran yihiin halku_dhegyo ay kusoo dhowaynayaan guddoomiyahooda ayaa ku dhawaaqayay weedho xamaasadaysan oo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin inuu si nabad ah guddoomiyahoodu xilligan ugu soo laabto dalkiisa, isla markaana si cad ugu beeniyaan sheekooyin dhinac keliya ka iminayay oo middooyinkii u danbeeyay lagu faafinayay baraha Bulshada,, kuwaas oo lagu sheegayay in Guddoomiye Xisri lagu xanibay dalka Britain, taas oo u muuqatay sheekooyinku dacaacayaddaha ah ee inta baddan dhinacyada siyaasada Somaliland isu adeegsadaan, iyagoo dhexmarinaya u qaybsnayaasha faafnta dacaayaddaha ee Baraha Bulshada.
Guddoomiye Xisri oo la hadlay warbaahinta markii uu kasoo degey Hargeysa ayaa ka hadlay arrimahaa iyo kuwo kale, isagoo dhaliilo u jeediyay Hay^adda Sirdoonka Qaranka oo uu sheegay in aannay ahayn mid sharciyan xaq u leh innay dadka xidho, isagoo tilmaamay in cida keliya ee wax xodhi kartaa tahay Booliska, sidaa awgeed ay sharcidaro tahay in dad shacab ah oo hubaysan oo Afka soo duubtay dadka Shacabka habeenkii guryahooda kala baxaan, taas oo uu ku tilmamay nid sharciga dalka iyo dastuurku baalmarsan oo ah dhaqan cusub.
Muuqaalkan ka Daawo Guddoomiye Xirsi Soo Dhowayntii iyo Arrimaha uu ka Hadlay.
https://www.facebook.com/100064041909623/posts/pfbid021VagCKEc63RWaRiTCGviEHhDqSGGNmGCDFGo2p6kAdzVDY2T7Eh12Tezm1Cu4vyRl/
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
info@araweelonews.com