X

Somaliland: Guddoomiye Faratoon Oo Fadhi Aan Caadi Ahayn Ugu Yeedhay Xildhibaanada Gollaha Wakiillada

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon),Araweelo News Network.

#Araweelo_News_Network

 

Hargyesa(ANN)- Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ku wargeliyay mudanayaasha gollaha wakiillada innay kasoo xaadiraan fadhi aan caadi ahayn oo loo asteeyay maalinta Khamiista.

Qoraal wargelin ah oo Guddoomiye Yaasiin Maxamuud Xiir soo saaray maanta oo Isniin ah, isla markaana ku taariikhaysan 22 July 2024, ayaa lagu wargeliyay mudanayaasha gollaha wakiillada innay maalinta Khamiista oo ku beegan 25 July 2024, saacada 8:30 subaxnimo innay kasoo qaybgalaan fadhi aan caadi ahayn.

Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada oo warbaahinta la wadaagay qoraalka uu ciwaanka uga dhigay “waxaan go’aansaday”, wuxuu ku sheegay in ajandaha lagaga hadlayo kal-fadhiga aan caadiga ahayn uu yahay mid ujeedadiisu tahay oo keliya oo khuseeya sidii gollaha wakiilladu go’aan uga qaadan lahaa soo jeedinta Xeer-ilaaliyaha guud ee maamuus ka xayuubinta mudane Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac.

“Waxaan ku wargelinayaa mudanaayaasha innay dhawraan, isla markaana kasoo qaybgalaan kal-fadhiga aan caadiga ahayn.” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post