X

#Somaliland: Guddoomiyaha UCID Oo Sheegay In Booqashada Wefdiga Somalia Ee Laascaanood Waxba Ka Beddelayn Xuduuddaha

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay masuuliyiin ka socda dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo booqasho ku yimi Magaalada  Laascaacood ee xarunta gobolka Sool.

 

Wefdiga oo isugu jira xildhibaano ka socday labada golle ee shacabka iyo aqalka hoose ee dawladda Fedeeraalka oo ay weheliyaan masuuliyiin xillal sare ka haya dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Laascaanood.

 

Lama ogga ujeeddada safarkooda, balse waxa halkaa kusoo dhoweeyay masuuliyiinta SSC iyo Garaadada gobolka Sool, kuwaas oo ay yeesheen kulamo gaar ah oo aan la ogayn arrimaha lagaga hadlay.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng, Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay arrintaa ayaa yidhi, “Wefti ka yimi Muqdisho oo Laascaanood yimi waxba ka beddeli maayaan xuduuddaha caalamiga ah ee Somaliland,” ayuu yidhi, wuxuuna sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Eng. Faysal, wuxuu arrintaa ku tilamamay riwaayad, isagoo yidhi, “riwaayadda iyo raynrayntu waxay dhawaan isu rogi doontaa jeex-jeex iyo riyo xun, Somaliland waxay dhawaan ka saari doontaa duullaanka bahalnimada ah ee Laascaanood lagu soo qaaday, isla markaana waxay sugi doonta dhammaan xuduudaheeda, “ayuu yidhi. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaraadka ee ICUD.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post