#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay masuuliyiin ka socda dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo booqasho ku yimi Magaalada Laascaacood ee xarunta gobolka Sool.
Wefdiga oo isugu jira xildhibaano ka socday labada golle ee shacabka iyo aqalka hoose ee dawladda Fedeeraalka oo ay weheliyaan masuuliyiin xillal sare ka haya dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Laascaanood.
Lama ogga ujeeddada safarkooda, balse waxa halkaa kusoo dhoweeyay masuuliyiinta SSC iyo Garaadada gobolka Sool, kuwaas oo ay yeesheen kulamo gaar ah oo aan la ogayn arrimaha lagaga hadlay.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng, Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay arrintaa ayaa yidhi, “Wefti ka yimi Muqdisho oo Laascaanood yimi waxba ka beddeli maayaan xuduuddaha caalamiga ah ee Somaliland,” ayuu yidhi, wuxuuna sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka.
Eng. Faysal, wuxuu arrintaa ku tilamamay riwaayad, isagoo yidhi, “riwaayadda iyo raynrayntu waxay dhawaan isu rogi doontaa jeex-jeex iyo riyo xun, Somaliland waxay dhawaan ka saari doontaa duullaanka bahalnimada ah ee Laascaanood lagu soo qaaday, isla markaana waxay sugi doonta dhammaan xuduudaheeda, “ayuu yidhi. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaraadka ee ICUD.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com