X

Somaliland: Guddoomiyaha UCID, Faysal Oo Ku Baaqay In Ciidamadda Qaranka Lays Barbar Taago

Guddoomiyaah Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlay arrinta Laascaanood, Photo, Araweelo News Network, Hargeysa, 5 March 2023.

“Muuse jiritaanka qaranka waxa kaga xoog baddan kursigiisa Caqligiisana Muuse dalka laguma badbaadinayo, wixii talla la leenahayna ,,,”Guddoomiye Faysal

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay dagaalka Laascaanood oo Afartii maalmood ee u danbeeyay la hakiyay, kaddib markii ay dublamaasiyiinta beesha Caalamka qaarkood iyo dalalka danneeya arrimaha amniga ee gobolka xidhiidho kala duwan la sameeyeen dhinacyada Somaliland, Garaaddada Sool, Maamul gobolleedka Puntland ee Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee ku lugta lahaa collaada ka taagnayd halkaa dhawrka todobaad.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa si ka duwan sidii uu shalay uga hadlay arrintaa xisbiga ugu weyn mucaaraadka ee WADDANI, uga hadlay arrinta gobolka Sool, isagoo ku baaqay in ciidanka qaranka lays barbar taago, isla markaana layska ilaabo kala qaybsanaanta guddaha iyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyay xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo mucaaraaka.

“Maanta maaha maalintii Kursiga, Kursigu muhiim maaha Illaahay ayaa bixiya, laakiin qaranka ayaynu daafacaynaa, waa in gamcaha lays qabsadaa oo ciidamaddeena qaranka ee geesiyaasha ah lays garab taagaa.” ayuu yidhi, Guddoomiye Faysal.

Wuxuuna isagoo la hadlaya gurmadka duulaanka ee Laascaanood u yimi dagaalka yidhi, “Waxan u sheegaynaa kuwa kasoo gurmanaya Majeerteeniya, (Puntland), Ugaadeenya (Kililka Shannaad) iyo Kismaayo ee reeraha isu qaybiyay ma jirto taariikhda meel nalagaga adkaaday.”

Guddoomiyaha UCID, wuxuu sheegay inuu arkayay maalintii Madaxweyne Biixi xilka qabtay inuu gurigii Somaliland muddada baddan dhisaysay maalinba leben ka saarayay.

“Arrinta maanta Laascaanood ka socota isaga ayaa sabab u ahaa Muuse Biixi, waxayna ku timi maamul xumadiisa iyo siyaasad xumadiisa, maanta arrintaasi halkay marayso iyo halkaynu maraynaa waa kala jaad. Muuse jiritaanka qaranka waxa kaga xoog baddan kursigiisa oo la yidhaahdo soo dhig waa lagu tartamayaaye, maantana kursigii iyo qarankiiba kahatar ayay ku jiraan.” Ayuu yidhi, isagoo sheegay in uu ka xunyahay dadkii ku dhintay Laascaanood ee u dhexeeyay ciidamadda qaranka iyo dadkii kusoo duulay.

Guddoomiye Faysal oo ka hadlayay qorshaha dagaalka Laascaanood, wuxuu sheegay inuu yahay mid la doonayo in lagu burburiyo qaranimada iyo jiritaanka Somaliland.

“Qorshahan, waxa ka shaqeeyay ina Farmaajo (Madaxweynihii hore ee Soomaaliya), shantii sannadood ee uu xamar ku amar ku taaglaynayay, qorshahan waxa uu leeyahay guddi sarre oo isir ku samaysan, kuwaas oo ah 21,waxanaa la yidhaahdaa G21,waxaana ka mid ah, ra’iisal wasaarayaashii hore, Cumar cabdirashiid, Cabdiweli, Farmaajo, Faarax Macalin, ina Jengeli iyo rag kale, waxaana ciidanka Ereteria lagu soo tababarayay loo qorsheeyay in Somaliland lagu burburiyo.”

Guddoomiyaha UCID, waxa kale oo uu sheegay in aannay jirin wax la yidhaahdo SSC, Sool, Sanaag, iyo Cayn, isagoo sheegay in dadka deegaankaa sheeganayaa ay yihiin kuwo si khaldan oo isir ah loo abaabulay si looga dhigo Laascaanood goob dagaal.

“Ma jiraan wax la yidhaahdo Sool, Sanaag iyo Cayn, Laascaanood ayaa degtaan, oo ugu baddan tihiin, yaan been laydiin sheegin oo laydinka burburin magaalada.” Ayuu yidhi, Guddoomiye Faysal, wuxuna farriin u diray Madax-dhaqameedka ku sugan Caynabo, ee halkaa u jooga sidii nabad looga gaadhi lahaa collaada, isagoo usoo jeediyay inay kusoo laabtaan guryahooda. “waxaan leeyahay Madax-dhaqameedka iskaga soo noqda guryihiina meesha reera isma dilayaane.” Ayuu yidhi.

Eng. Faysal wuxuu sheegay in duulaanka isirka ah aannu ku ekaan doonin Laascaanood, balse geeska Afrika oo dhan uu gaadhayo, “Arrinta Isirka meelaha aad iska soo urursateen ayuu dagaalku gaadhayaa, hadaydaan ka deyn, wax Sool, Sanaag iyo Cayn la yidhaadaa ma jiraan ee Carruurta ha waalina.”

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in dalka Tallo qaran lagu badbaadinayo, taas oo sida uu sheegay in ay hoos u dhibayaan, “Caqliga Muuse dalka lagu badbaadin mayno, wixii talla la leenahayna hoos ayaan u dhiibi doonaa.  Tallo qaran ayaa loo baahanyahay oo aynu jiritaankeena ku difaacno, ku beenayno waxa ilaa UN, la gaadhsiiyay ee Beenta laga buuxiyay, iyo talladaynu ka gaadhayno Muuse (Madaxweynaha Somaliland.) ayuu yidhi, Guddoomiyaha UCID.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post