X

#Somaliland: Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Oo Tababar Usoo Xidhay Xubno Ka Tirsan Bahda Garsoorka iyo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Siciid Yuusuf Cabdi, Taliyaha Qaybta Cashuuraha ee Ciidanka Booliska JSL Cismaan Xaashi Daahir iyo madaxa waaxda tababarada ee Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin ayaa maanta tababar u soo xidhay 50 xubnood oo iskugu jira Guddoomiyayaal, Garsoorayaal, ku-xigeenno xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka, saraakiil ka socday Ciidanka Booliska iyo xubno ka tirsan guddida ka garnaqista dacwaddaha cashuuraha ee wasaaradda maaliyadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Aadam Xaaji Cali Axmed. Image Araweelo News Network, 20 Sep 2023.

Tababarkan oo socday muddo shan cisho ah ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay sida loo xoojin karo hirgelinta xeerarka maaliyadda ee dib-u-habaynta iyo kaabista lagu sameeyay, waxaana muddadii uu socday lagu lafa-guray duruus kala duwan oo la xidhiidha xeerarkaasi iyo axkaamta la xidhiidha ee Shareecadda Islaamka. Xubnaha ka qayb galay tababarka ayaa geestooda is waydaarsaday khibradahooda la xidhiidha hay’addaha ay kala matalayeen, si ay ugu kala faa’iideen qodobo door ah oo kaalin mug leh kaga jira habsami u socodka dacwaddaha la xidhiidha cashuuraha.

 

Taliyaha Qaybta Cashuuraha ee Ciidanka Booliska JSL Cismaan Xaashi Daahir iyo Ku xigeenka Xeer-ilaaiyaha Guud ee Qaranka Siciid Yuusuf Cabdi ayaa dhankooda xusay ahmiyada uu tababarkani u lahaa xubnaha ka soo qayb galay, waxayna hoosta ka xarriiqeen doorka shariifka ah ee uu ka qaadan doono shaqo maal meedkooda.

 

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa tibaaxay in tababarada ay ku kulmaan khuburadan oo kale ay hoggaamiyaan horumarka qaybihiisa kala duwan, isagoo tibaaxay in aaraa’da ay soo jeediyeen xubnaha tababarka wadaagayayna laga shaqayn doono sidii loo sixi lahaa.

 

Gebagebadii Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa ka waramay maraaxilkii xeerarkani soo mareen iyo halka ay maanta taagan yihiin, waxaanu khuburadii iyo xubnihii tababarka ka soo qaybgalay ku bogaadiyay sidii qiimaha lahayd ee ay aqoon-is-waydaarsiga uga qayb qaateen.

 

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali, ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay in khuburo ka kala socda hay’addaha dawladdu ay muddo saacado ah shan maalmood lafa-gur ku sameeyaan hirgelinta xeerarka maaliyada, isla markaana talo bixin ka sameeyaan dhinacyada ay ka dareemeen goldaloolooyinka.

 

Sidoo kale, Guddoomiye Aadan ayaa xusay in baryahan danbe awoodda la saarayay tababarada iyo aqoon-is-waydaarsiyada takhasuska ah, kuwaas oo diirada lagu saarayay hadba cilmiga “maadada” u baahan in laga sal-gaadho. Waxaanu Guddoomiyuhu xubnihii ka soo qayb galay ku booriyay in ay waaxda tababarada u soo gudbiyaan dhinacyada ay u baahanyihiin in takhasusyo dheeraad ah laga sameeyo, si tababaradan oo kale gobollada dalkana looga fulliyo.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post