X

#Somaliland: Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Oo Faxas Doodi Ka Dhalatay Geliyay Mudanayaasha

Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Image Araweelo News Network, 12 August 2023

#Araweelo_News_Network.

“Haddii ay guurtidu 45 maalmood oo nasasho ah ka doorteen xaaladda dalku marayo waxa dhaanta inay iska casilaan xilka” Aqoonyahan Saciid Shukri

Hargyesa(ANN)- Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha Gollaha ku wargeliyey inay galaan fasax bil iyo badh ah, taas oo dood iyo sawaxan ka abuurtay mudanayaasha dhexdooda.

Hase yeeshee Guddoomiye Saleebaan ayaa iska dhegatiray dhawaaqyada sawaxanka abuuray ee ka dhashay soo jeedinta fasaxa, waxayna arrintan kusoo beegantay xili ay xaalladdo xaasaasi ahi ka jiraan dalka, isla markaana lagu hawlan yahay diyaarinta xeerarka doorashooyinka isku sidan ee Madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda oo gollaha guurtida dhankiisa loo gudbiyay.

Dad baddan oo si dhow ula socda siyaasadda dalka ayaa arrintan ku tilmaamay mid aan loo baahnayn xilligan oo aan munaasib ku ahayn in gollaha guurtida la geliyo fasax, maadaama ay jiraan arrimaha dalka ka taagan ee xaaladdaha murugsan ee siyaasadeed.

Qaar ka mid ah dad ka dareen celiyay arrintan ayaa ku dooday in gollaha guurtidu tallaabada ay qaadeen ee fasaxa xilligan ku lumiyeen kalsoonida yar ee ay bulshada ka haystreen.

Aqoonyahan Saciid Shukri oo ka mid ah haldoorka Somaliland oo ka deereen celiyay arrintaa ayaa bartiisa Twitterka ku baahiyay in maadaama ay gollaha guurtida Somaliland galeen fasax xilligan oo ay dalka ka jiraan arrimo xaasaasi ah ay haboonayd inay is casilaan halkii ay fasaxa ka galeen.

“Haddii ay guurtidu 45 maalmood oo nasasho ah ka doorteen xaaladda dalku marayo waxa dhaanta inay iska casilaan xilka, waayo waxay lumiyeen kalsoonidii dadka. Dhammaanteen waan garanaynaynaa inay cilladaysan yihiin, laakiin waxay tirinayaan joogitaankooda” ayuu yidhi, isagoo tilmaamay in loo baahanyahay qorshe degdeg ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post