X

Somaliland: Guddoomiyaha Doorashooyinka Oo Ka Hadlay Natiijada Iyo Qaabka Loogu Dhawaaqayo

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Muuse Xaaji, Image Araweelo News Network, 23 Oct 2024.

#Araweelo_News_Network

 

Hargesa(ANN)-Guddoomiyaha Gudidda Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Muuse Xaaji ayaa ka hadlay qorshaha natiijada doorashada iyo qaabka ay doonayaan innay usoo saaraan natiijooyinka marka la gaadho gunaanadka goobaha cod bixinta ee lasoo gabagebeeyo.

Guddoomiye Muuse , wuxuu sidoo kale, sheegay in iyadoo laba maalmood keliya ka hadheen xilligii loo qorsheeyay doorashada 13 November 2024, ay diyaariyeen gebi ahaan  hawalwadenadii goobaha , agabkii iyo goobihii, isla markaana ay rajaynayaan in waxyaabaha ka hadhay saacadaha soo socda la dhammaystirayo.

Mar la weydiiyay xilliga ay natiijada doorashooyinka ee Madaxtooyadda iyo Ururadu qaadan karto iyo qaabka ay Kommishan ahaan u qorsheeyeen, wuxuu sheegay in marka hore goob walba marka lasoo gebagebeeyo lagu tirinayo isla goobta, markaa kaddib tirada codadka goobaha loo soo gudbinayo degmoyinka ila heer gobol kaddina ay heer qaran u gudbay aatiijadu, taas oo sida uu xusay qaadan karta muddo todobaad ah.

Dhinaca kale, gudidda doorashooyinka oo shalay soo gebagebeeyay hawlwadeenada gobollada ee doorashooyinka dufcadii labaad ayaa maanta gobolada qaarkood u diray ciidamada ka hawlgelya goobaha cod bixinta, kuwaas oo sugaya amniga goobaha iyo ilaalinta doorashooyinka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post