#Araweelo_News_Network
Hargesa(ANN)-Guddoomiyaha Gudidda Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Muuse Xaaji ayaa ka hadlay qorshaha natiijada doorashada iyo qaabka ay doonayaan innay usoo saaraan natiijooyinka marka la gaadho gunaanadka goobaha cod bixinta ee lasoo gabagebeeyo.
Guddoomiye Muuse , wuxuu sidoo kale, sheegay in iyadoo laba maalmood keliya ka hadheen xilligii loo qorsheeyay doorashada 13 November 2024, ay diyaariyeen gebi ahaan hawalwadenadii goobaha , agabkii iyo goobihii, isla markaana ay rajaynayaan in waxyaabaha ka hadhay saacadaha soo socda la dhammaystirayo.
Mar la weydiiyay xilliga ay natiijada doorashooyinka ee Madaxtooyadda iyo Ururadu qaadan karto iyo qaabka ay Kommishan ahaan u qorsheeyeen, wuxuu sheegay in marka hore goob walba marka lasoo gebagebeeyo lagu tirinayo isla goobta, markaa kaddib tirada codadka goobaha loo soo gudbinayo degmoyinka ila heer gobol kaddina ay heer qaran u gudbay aatiijadu, taas oo sida uu xusay qaadan karta muddo todobaad ah.
Dhinaca kale, gudidda doorashooyinka oo shalay soo gebagebeeyay hawlwadeenada gobollada ee doorashooyinka dufcadii labaad ayaa maanta gobolada qaarkood u diray ciidamada ka hawlgelya goobaha cod bixinta, kuwaas oo sugaya amniga goobaha iyo ilaalinta doorashooyinka.