X

Somaliland: Guddida Doorashooyinka Oo Awooddi Waayay Inay Xaqiijiyaan Doorashada U Qorshaysan

Haween saf ugu jira in ay codkooda dhiibtaan doorashadii Madaxtooyadda Somaliland 2017, goob ka mid ah goobbaha Hargeysa, Image File Araweelo News Network.

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa sheegay inay bilaabayaan kaadhka cod-bixinta maalinta beri ee 31 May 2023.

Afhayeenka Guddida Doorashooyinka Qaranka, Cabdicasiis Warsame oo ka hadlayay maanta hawsha Kommishanka Doorashooyinka iyo arrimaha kaadh qaybinta, wuxuu balanqaaday inay qabanayaan doorashada marka ay dhammaato qaybinta kaadhadhku.

“Marka ay inaga dhammaato bisha Jun qaybinta kaadhadhku hawl kasta oo Kommishanku qabanayaa waa hawl doorasho.” Ayuu ydhi, Cabdicasiis Warsame.

Wuxuu sheegay inay Kommishanku go’aan gaadhi doonaan, isagoo yidhi, “Xisbiyada, Ururada, Xukuumadda iyo daneeyayaasha waxaanu leenahay suunka giijista, Kommishanku waxay gadhi doonaan go’aan” ayuu yidhi.

Hase yeeshee, Afhayeenka Kommishanka doorashooyinku ma caddayn doorashada Ururada iyo Madaxtooyadda mida soo horaynay, iyadoo ay Axsaabta mucaaradka, Ururada iyo Xukuumaddu si weyn isugu khilaafsan yihiin.

Murranka iyo khilaafka doorashooyinka Somaliland ayaa ah mid soo jiitamayay muddo dheer, mana jiro wax xal ah oo laga gaadhay, iyadoo laysku khilaafsanyahay sida ay doorashooyinku u kala horaynayaan iyo labada doorasho mida soo horaynay, balse Madaxweyne Biixi ayaa marar baddan ku cel celiyay inay xukuumaddu qabanay doorashada Ururada oo soo horaynay, wallow aannu xilli cayiman oo ay xukuumaddu u qorshaysay sheegin.

Daneeyayaasha Somaliland, ayaa marar baddan ugu baaqay xukuumadda Somaliland in la qabto doorashada Madaxtooyadda oo dib u dhac weyn ku yimi, waxayna usoo jeediyeen Somaliland in annay ka leexan jidka dimuqraadiyadda iyo hannaanka geedi socodka ee ay kusoo jiidatay indhaha beesha caalamka, taas oo saaxiibo baddan ku dhiiri gelisay inay taageeraan arrimaha doorashooyinkeeda.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net

http://archive.araweelonews.com

www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post