X

#Somaliland: Gollaha Wakiillada Oo Cod Aqlabiyad Sare Ah Ku Ansixiyay Xeerarka Khuseeya Doorashooyinka

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Mudanayaasha Gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay Xeerarka Doorashooyinka khuseeya oo kala ah Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Cod-bixyayaasha Xeer Lr. 91/2020 iyo Xeerka Ururada Axsaabta Siyaasada Xeer lr. 14/2011.

 

Fadhigii gollaha wakiillada Somaliland ee Sabtidii Maanta, waxa shir-gudoominayay Gudoomiyaha Gollaha Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), waxaana kasoo xaadiray 75 xildhibaan oo ka mid ah 82 xubnood ee golluhu ka kooban yahay.

Guddoomiyihii Guddida Is waafajinta iyo dib u eegista xeerarka ee gollaha horkeenay Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa warbixin ka jeediyay madasha ka hor intii aan loo codayn xeerarka.

Xildhibaan Qodox, wuxuu sheegay innay guddi ahaan bilaabeen iskugurka, naaqishida iyo ka doodidda Xeerarka Doorashooyinka khuseeya oo kala ah Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Cod-bixyayaasha Xeer Lr. 91/2020 iyo iyo Xeerka Ururada Axsaabta Siyaasada Xeer lr. 14/2011, isla markaana ay jiraan qodobo ay ku kordhiyeen iyo kuwo ay wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyeen.

Warbixinta Guddoomiyaha Guddida kaddib Guddoomiyaha Gollaha Yaasiin Maxamuud Xiir, ayaa gollaha weydiiyay in dood la geliyo in sidaa lagu codeeyo, waxayna cod aqlabiyad ah ku dalbadeen in cod la geliyo, sidaana waxa loogu kala codeeyay xeerarka oo loo codeeyay in ka baddan Lixdan xildhibaan, sidaana ay ku meel mariyeen golluhu.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post