X

#Somaliland: Gollaha Wakiillada Cod Aqlabiyad Ah Ku Meel Mariyay Go’aamada Xalinta Khilaafka Ee Madaxweyne Biixi Usoo Gudbiyay

Mudanayaasha gollaha wakiillada Somaliland, oo meel mariyay xeerarka doorashada khuseeya, 19 September 2022, Image Araweelo News Network.

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Muddanayaasha Gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta  lasoo hordhigay go’aamada xalinta khilaafka ee Madaxweyne Biixi usoo gudbiyay, kaddib markii uu saxeexay go’aamadaa oo ahaa kuwo ay Madaxweynaha u gudbiyeen Odayaasha Salaadiinta iyo Guddida Beelaha Habarjeclo todobaadkii hore.

Laxidhiidha: #Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Duuduub Ku Aqbalay Goaamada Guddida Dhexdhexaadinta

Fadhiga maanta oo ahaa mid xaasaasi ah oo xamaasadysan, waxa muddanayaasha kasoo xaadiray ahaayeen 48, kuwaas oo cod aqlabiyad ah ku meel mariyay go’aamadii madax-dhaqameedka ee doorashada isku-sidkan taas oo madaxweyne Biixi, u soo gudbiyay Gollaha si sharciga u waafajiyaan, isla markaana loogu gudbo dhammaystirka qabyada xeerarka doorashooyinka.

Marka laga yimaado innay golle ahaan u codeeyaan oo si buuxda u aqbalaan go’aamada uu Madaxweynuhu usoo gudbiyay, waxa la filayaa innay Guddi gaar ah saari doonaan Golluhu si loo waafajiyo soo jeedinta go’aamada, isla markaana lagu sargooyo nidaamka xeerarka doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururada Siyaasadda ee muddada dheer lagu murransanaa.

Laxidhiidha: #Somaliland: Guddida Xal U Raadinta Khilaafka Siyaasadeed Oo Soo Saaray Go’aamo

48 xildhibaan, ayaa kasoo xaadiray fadhiga, waxaana ogolaaday soo jeedinta go’aamada Madaxweynuhu usoo gudbiyay 45 mudane, halka ay ka aamuseen 2 mudane, isla markaana aannay jirin cid diiday, iyadoo aannu guddoomiyihu codayn.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post