X

#Somaliland: Gollaha Guurtida Oo Loo Qaybiyay Xeerarka Doorashooyinka Iyo Doodaha Siyaasadda Dalka

Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Image Araweelo News Network, 12 August 2023

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Mudanayaasha gollaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhigoodii saaka loo qaybiyay xeerarka doorashooyinka ee wax-ka-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay, kaddib markii ay gollaha wakiillada oo ka duulaya go’aamadii lagu soo afjaray khilaafka doorashooyinka ee ka yimi Salaadiinta iyo Odayaasha Guddida BHJ, Madaxweynaha  Qaranka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi digreeto ugu soo gudbiyay si loo waafajiyo xeerarka.

Guddoomiyaha gollaha guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhiga guddoominayay ayaa mudanayaasha ku wargeliyay innay soo akhriyaan xeerarka loo qaybiyay si markaa kaddib loo gudagalo.

Xildhibaanada, ayaa sidoo kale ka dooday qodobo ka mid ah ajandaha oo la xidhiidha siyaasadda dalka iyo xaalladdaha amniga, iyadoo mudanaayasha qaarkood ku faaqideen dooda dhaliilaha siyaasadda arrimaha gudduha iyo saamaynta ay ku yeelatay siyaasadda arrimaha dibbada.

Gollaha ayaa shalay Isniintii awoodi waayay in fadhigoodu qabsoomo, kaddib markii ay kasoo xaadiri waayeen xildhibaano baddan oo danahooda ku foofay, isla markaana la waayay tirada Kooramka ee loo baahnaa si fadhigu u furmo.

Guddoomiyaha Gollaha Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa fadhiga baaqday ee Isniintii markii la xaadiriyay xildhibaanada fadhiga kasoo xaadiray iyo kuwa ka maqnaaday ee sababta u noqday in aannu golluhu fadhiisan jeediyay hadal cannaan ah.

Guddoomiye Saleebaan, wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in sidan oo kale uu golluhu u furmi waayo kooram la’aan, wuxuuna ku wargeliyay xildhibaanada madasha fadhiyay innay kuwa maqana ku wargeliyaan in aannay mar danbe dhicin, taas oo sababtay in fadhigii maanta oo Salaasa ah uu golluhu ka baaqsaday in aannu sidii shalay waayin kooram  si loo furo, isla markaana ay u guda galaan hawlaha culus ee horyaal iyo qodobada ugu qoran Ajandaha ee la doonayo in ay noqdaan arrimaha lagaga hadlayo kal-fadhiga u furmay toddobaadkii hore markii golluhu kasoo laabtay fasax laba bilood ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post