#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa saaka cod aqlabiyad ah ku anasixiyay Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Eng. Cali Cumar oo markii labaad la horgeeyay muddanayaasha gollaha wakiilada.
Eng. Cali Xoor-xoor, markii gollaha loo weydiiyay cod waxa uu helay ayaa saaka oou’codeeyay 73 Mudane, mana jirin cid ka aamuistay iyo cid diiday, wuxuna ku ansxay sidaa.
Gollaha ayaa hore u celiyay Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-Xoor) iyo masuuliyiin kale oo Madaxweyne Biixi usoo gudbiyay gollaha Wakiillada si waajibkooda Dastuuriga ah uga gutaan, isla markanaana ay u ansixiyaan ama u diidaan , taas oo si weyn layaab ugu noqotay in baddan oo ka mid ah Bulshada in Wasiir Cali Xoor-xoor ay dib ugu celiyaan Madaxweynaha,
Balse waxa loo fasirtay in maadaama ay magcaabista isaga iyo masuuliyiinta kale mudda dhaafeen, isla markaana Dastuurku u diidayo inay ansixiyaan masuul xilliga lagu horgaynayo gollaha wakiillada , sidaa ay ku celiyeen, taas oo keentay in mar kale Madaxweynuhu dib ugu soo celiyo, sidaana lagu ansxiyay markii maanta la horgeeyay.
January 1, 2023, ayaa Madaxweyne Biixi u magcaabay Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), oo ah shaqsi aan ku cusbayn masraxa oo aad looga yaqaan dalka, isla markaana lagu tilmaamo sida lagu bartay mudadii dheerayd ee uu maamulayay Dekedda Berbera nin karti baddan oo aan bulshada kala soocin.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com