X

#Somaliland: Dablayda Gacan-libaax Oo Qafaalatay Gaadiid Ay Leedahay Hay’adda Hello Trust

Gaadhi ka mid ah gaadiidka Hello Trust Image Araweelo News 9 August 2023.

Guddoomiyaha UCID Oo Ka Hadlay Dhacdada Afduubka

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)- Dablayda ku sugan Buurta Gacan-libaax ee galbeedka Magaalada Hargeysa, gaar ahaan deegaanka Cadaadley ayaa saaka weerartay tuulada Daba-gorayaale oo ka tirsan deegaanka dhinaca hawdka ee u dhow xadka Somaliland iyo dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia wadaagaan

Kooxda dablayda ah oo aan tiradooda si dhab ah loo ogayn, ayaa deegaanka ka afduubay laba gaadhi oo ka mid ah kuwa Hay’adda Miinada ka baadha deegaanka ee Hello Trust, gaadiidka ay kaxaysteen dablaydu ayaa ku jiray xilligaa hawshooda mina-baadhista oo ay ka wadeen deegaanka oo ka mid ah meelaha la rumaysanyahay in xilliyadii dagaaladii sideetanaadkii iyo toddobaanadii lagaga tegey miinooyinka iyo waxyaanaha qarxa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay saaka ku war heleen koox dablay ah oo weerartay goob ay deganayeen hawlwadeenada Haya’dda Miino-baadhista Ee (Hello trust), waxayna kaxaysteen laba gaadhi oo ku jiray hawsha baadhista miinada.

Hase yeeshee ma jiro waxa khasaare nafeed oo ay geysteen markii ay dablaydu gaadiidka afduubayeen, isla markaana lama ogga ujeeddada ay ka lahaayeen dablaydu falka ay ku beegsadeen gaadiidka Hay’adda oo dhinaca Buurta ay ula dhaqaaqeen.

Falka noocan ah ayaa u muuqda mid la doonayo in lagu khal-khaliyo amniga iyo xasiloonida ay Somaliland muddada dheer ku taamaysay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCOD, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa dhacdadaa ku tilmaamay mid ka dhalatay khilaafka siyaasadeed oo marar hore uu ka digay.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post