X

Somaliland: Daahir Rayaale Oo Tallooyin ka Bixiyay Khilaafka Cakiran Ee Xaalladda Dalka

Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi iyo Madaxweynihi saddexaad ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin

#Araweelo News Network  

Somaliland: Daahir Rayaale Oo Tallooyin ka Bixiyay Khilaafka Cakiran Ee Xaalladda Dalka

Hargeysa(ANN)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka tala bixiyay Xaalladda Siyaasaddeed ee Dalka iyo Khilaafka Cakiran ee xilligan ka alloosan.

Daahir Rayaale wuxuu warbaahinta u mariyay dhinacyada Khilaafka ee isku maan dhaafsan Arrimaha Doorashooyinka Xukuumadda Iyo Asxaabta Mucaaradka ee WADDANI Iyo UCID.

Sidoo kale, wuxuu tallooyin arrimahaa Ku waajahan u Jeediyay Guddida Doorashooyinka Qaranka, Gollayaasha sharci dejinta, isagoo sidoo kale ka hadlay Dablayda maalmihii u danbeeyay isku urursanayay Buurta Gacan Libaax ee duleedka dhinaca Bari ee Hargeysa.

Waraysi uu siiyay Telefishanka laga leeyahay Somaliland ee SAHAN , ayuu kaga hadlay aragtidiisa sida uu xalka u arko Arrimaha Khilaafka Doorashooyinka oo soo jiitamayay tan Iyo wixii ka danbeeyay dorashooyinkii isku sidkanaa ee  Gollaha Wakiillada Iyo Gollayaasha deegaanka ee Somaliland ka qabsoomay 2021.

Daahir Rayaale,wuxuu dhaliilay Siyaasadda Xilligan ee sababtay in rag hubaysan isku Urursadaan Buurta Gacan Libaax, wuxuuna ugu baaqay Murrashaxa xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro in aannay dhalinyaro Buur la saaro Madaxweyne lagu noqonayn Kursigana lagu helayn.

Dhankiisa Madaxeyne Biixi ayuu ugu baaqay in uu arinta Odayaal diro oo aannu awood ciidan u addeegsan.

“Madaxweynaha waxan leeyahay oo kula talinayaa in aannu Ciidan u addeegsan dhalinyarada Buurta Gacan Libaax, Ciidanka kasoo qaad oo Odayaal u dir.’ Ayuu yidhi, Rayaale Kaahin.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Biixi usoo jeediyay inuu deg deg u curiyo Xeerka doorashada Ururrada muddo bil gudaheedna ugu gudbiyo Gollaha Wakiillada, isagoo Gollayaasha ugu baaqay inay xeerkaa meel mariyaan, iyagoo aan gelin isku tuur-tuur oo aan ka regin Xisbiyo Iyo dana kale.
Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu sheegay in xsbyada waqtigoofii dhacay, sidaa awgeed wuxuu usoo jeediyay Inay ka qaybgalaan tartanka doorashadda Ururrada , Isla markaana iska daayaan qardajeexa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post